Al Shabaab Oo Xirtay Xafiisyadii Xawaalada Dahabshiil Ee Gobolka dhexe
Posted by ifraax on July 14 2014 08:54:32

Ururka Al Shabaab, ayaa waxa uu albaabada isugu laabay xafiisyada Xawaalada Dahabshiil, ay ku lee dahay Degmooyinka Gobolka Jubbada Dhexe, oo ay ka wada arrimiso Al Shabaab.


Extended News

Ururka Al Shabaab, ayaa waxa uu albaabada isugu laabay xafiisyada Xawaalada Dahabshiil, ay ku lee dahay Degmooyinka Gobolka Jubbada Dhexe, oo ay ka wada arrimiso Al Shabaab.

Xafiisyada la xiray, ayaa waxay ku kala yaallaan Degmooyinka Bu’aale, Jilib, Jamaame, Saakow iyo Salagle, waxayna tani ka dambeysay markii uu is afgaran-waa soo kala dhex galay Shabaab iyo Maamulka Dahabshiil ee Jubbooyinka.

DAHABSHIIL1Ururka Al Shabaab, ayaa Xawaalada Dahabshiil weydiistay bixinta dhaqaalo lagu dardargeliyo dagaalada, inkastoo la soo sheegayaa in Maamulka Dahabshiil uu taasi ka biyo diiday.

Nin degan Magaalada Bu’aale ee Xarunta Gobolka Jubbada Dhexe, ayaa ku waramaaya in Sabtidii shalay ahayd aan la furin Xafiisyada ay Dahabshiil ku lee dahay Bu’aale iyo Degmooyinka kale ee Jubbada Dhexe.

Sheekh C/raxmaan Xudeyfa, Madaxa Gobolada Jubbooyinka ee Ururka Al Shabaab, ayaa waxay dadka deegaanka kuu sheegayaan in uu bixiyay awaamiirta lagu xiray xafiisyada Dahabshiil.

Shabaabka waxaa lagu eedeeyaa inay culeys ku hayaan ganacsatada ka hawlgasha dhulka ay jooggaan, waxayna tanina imaaneysaa, xilli la sheegay inay soconayaan qorshayaal Shabaabka looga saaraayo Jubbada Dhexe.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.