Wasiirka Maaliyadda oo shaaca ka qaaday in Xisbiga Kulmiye ku Guuleysan doono Doorashada Madaxtooyada.
Posted by abdi on July 16 2014 14:29:20

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Samaale ayaa sheegay in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay ku guuleysan doonto doorashada.


Extended News

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Samaale ayaa sheegay in Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ay ku guuleysan doonto doorashada la filayo in ay qabsoonto 2015, waxanu Tilmaamay in Xukuumada madaxweyne Siilaanyo wax badan ay qabatay oo dalka gaadhsiisay horumar baaxadleh, isla markaana ay ku rajoweyn yihiin in shacabka Somaliland ay ugu abbaal guddi doonaan codkooda in ay marlabaad siiyaan. Sidaasi waxa uu ku sheegay waraysi uu la yeeshay Telefeshinka HCTV.

Wasiirka Maaliyada oo ka hadlay arrintaasi waxa uu yidhi. “Runtii Kalsooni boqolkiiba boqol ah ayaan ku qabbaa Xukuumada Kulmiye in aanu ku Guuleysanayno Doorashada Danbe, anaga oo Xilkii Ummada hayna, oo waliba wax badan ummada u qabanay, maanta Madaxweynaha iyo Xukuumada jirtaa waxay dalka gaadhsiiyeen wax-qabadkaasi faraha badan, waxaan qabbaa in ummadu xukuumada ugu abaal guddi doonto in codkooda mar labbaad siiyan.”Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadu.
Waxa kale oo uu sheegay in Miisaniyada Sanadkan ay Golaha wakiilada horgeyn doonaan bisha October ee sandkan waxaanu yidhi “Waad ogeydeenoo Miisaniyadii 2013-kii waxaan Gollaha horgeeyey bishii December, Miisaniyada Sanadkii hore ee 2014  waxan golaha horgeynay, Sanadkan 2015-ka waxan Miisanayida horgeynayaa sidda uu sharcigu dhigayo ee ah inta aan la gaadhin sanadka 2015 in bisha October 2014  aan Miisaniyada horgeeyo ayaan ku tallo jiraa, waligeedna Somaliland kamay dhicin in wakhtigaasi lagu keenno miisaniyada. saddexdaasi sanno ee aan wasaarada joogeyna waxaan miisaniyada hor keenay wakhtigii loogu tallo galay, marka qorshahaygu waa in aan inta aan la gaadhin 2015 aan miisaniyada horgeeyo golaha wakiilada.”
Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale waxa kale oo uu ka hadlay qaabka ay u maareeyaan lacagta  qaadhaan-bixiyayaashu Somaliland ugu deeqaan waxanu yidhi “Waxaa jirta Mashruuc la yidhaahdo Somaliland Development Fund oo ah Mashruuca horumarinta Somaliland, waxaana ka qayb qaata waddamo badan oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Sweden, iyo Norwey iyo waddamo kale oo aad u badan, lacag qadarkeedu yahay Afar iyo toban Milayn iyo Shan boqol oo kun oo Dollar ah ayey ugu tallo galeen sanadkan 2014-ka in ay galiyaan Somaliland horumarinteeda, wasaarada hawshaasi u xil-saaran waxa ka mid ah wasaarada qorsheynta qaranka oo qorsheysa baahiyaha kala duwan ee wasaaradaheena iyo wasaarada Maaliyada iyo wasaaradaha loo baahan yahay in lacagtaasi gasho, lacagtaasi waa lacag si toos ah loogu caawinayo Somaliland, dushana ay kala socdaan waddamada lacagtaasi inoogu deeqay.”Ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadu.

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.