Madaxweyne Siilaanyo oo Digreeto ku madax banaaneeyey Maamulka Haamaha Shiidaalka.
Posted by abdi on July 16 2014 14:36:19

Madaxweynaha Somaliland ayaa bisha July kowdeedii soo saaray wareegto uu ugu madax banaanaynayo isticmaalka kharashka Haamaha Berbera.


Extended News
Madaxweynaha Somaliland ayaa bisha July kowdeedii soo saaray wareegto uu ugu madax banaanaynayo isticmaalka kharashka Haamaha Berbera Maareeyihii dhawaan loo magacaabay, halka uu Madaxweyne Siilaanyo Xilligii Wasiirkii Ganacsiga ee uu Eryey Maxamed C/laahi Cumar uu maamulka Dakhliga Haamaha ku hoos geeyey Wasaaradda Maaliyadda iyo Wasaaradda Ganacsiga.
Qoraalka Madaxweyne Siilaanyo ugu madax banaaneeyey Maareeyaha Isticmaalka Kharashka uu u baahdo oo Farriinnews.com isha marisay ayuu Madaxweyne Siilaanyo u cuskaday kadib markii uu arkay baahida iyo hawsha joogtada ah ee ay haamuhu u baahan yihiin si loo Dayactiro waxa uu amray in uu kharashka ay u baahan yihiin si Madax banaan u Isticmaalo Maareeyuhu.
Sidoo kale, Isla qoraalkaas waxa uu Madaxweyne Siilaanyo qaybtiisa u danbaysa ku sheegay amarkiisani inaanu burinayn Amarkii uu hore ugu hoos geeyey wasaaradaha Maaliyadda iyo Ganacsiga, kuwaas oo uu hore usiiyey awooda bixinta kharashaadka Haamaha in ay iyagu leeyihiin.
Labada Amar ee uu qoraalka Madaxweynuhu xambaarsan yahay ayaa u muuqda mid iska hor imanaya maadaama uu marna madax baneeyey, hadana isla qoraalkan uu ku sheegay inaanu burinayn amarkiisii hore.
Maareeyaha cusub ee Haamaha Shiidaalka Berbera oo ahaan jiray isuduwihii wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta ee Gobolka Saaxil ayaa fursad u siinaysa in uu ku isticmaalo Dakhli dhan boqol iyo dheeraad Milyan oo u kaydsamay Haamaha Shiidaalka intuu u dhaxaysay markii wasaaradda Ganacsiga laga hoos saaray maamulka dhinaca Kharashaadka ee lagu hoos geeyey wasaaradda Maaliyadda sida uu ku caddeeyey Maareeyihii hore ee uu xixlka kala wareegay Maareeyaha cusub.
Haamaha Shiidaalka Berbera ayaa muhiid weyn ugu fadhiya Dalka, illaa hadana wali xukuumadda Somaliland ugamay faa’iidaysan sidii la rabay oo ay kaga heli lahayd Dakhli ka badan ka ay ka hesho, waxaanay u baahan yihiin in la dhamaystiro Haamaha kale ee wali qabyada ah eek u yaala xarunta Haamaha shiidaalka berbera, kuwaas oo dhan dhawr iyo Toban Haamood, balse dhawr xabo oo qudh ahi ay ka shaqeeyaan.
Magaalo Xeebeeda Berbera ee ay ku yaalaan haamaha Shiidaalku ayaa ah Il dihin oo u baahan in Somaliland uga faa’iidaysato gaadiidka kala duwan ee ay xudunta u tahay ee ah noocyada gaadiidka Cirka, Badda iyo Dhulkaba mara, kuwaas oo u baahan inay ka helaan Adeega shiidaal siinta, maadaama ay isaga gooshaan dalal kala fog oo ay Berberi marin u tahay.

 

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.