Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in amni la’aan aanu sacon-karin Dastuurka Dalka.
Posted by abdi on July 17 2014 14:31:00

Cabdi Axmed Maxamed Baafe, Wasiirka Beeraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in aan la socodsiin Karin Dastuurka Dalka inta ay taagan tahay amni darro inta laga xaqiijiyana.


Extended News

Cabdi Axmed Maxamed Baafe, Wasiirka Beeraha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in aan la socodsiin Karin Dastuurka Dalka inta ay taagan tahay amni darro inta laga xaqiijiyana ay adkaan doonto Dadka Gobolada ku dhaqan lootago si wadatashi loogala sameeyo Dastuurka.

 Wasiirka Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Axmed Maxamed Baafe ayaa sidoo kale waxuu tilmaamay Wasaarada la’aanteed aysan shaqeyn Karin Guddiga Madaxa Banaan ee dib u eegista iyo hergilinta Dastuurka Dalka

Baafe, Wasiirka Beeraha ayaa dhanka kale waxuu xusay in Dadka kale oo ku dhaqan Dalka in ay xaq u leeyihiin in wax laga weydiiyo sida ay u arkaan Dastuurka oo hada dib u eegistiisa loo xilsaaray Guddi Madaxbanaan.

Hadalkan ayaa Wasiirka Beeraha waxuu ka jeediyay Kulan Guddiga Madaxabanaan ee dib u eegista iyo hergilinta ay la yeesheen qeybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed.


Cadnaan cali Maxamuud.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Mogdisho,Somaliya.