waxaan qabanay Nin ka tirsan Al Shabaab oo damacsanaa in uu Qaraxyo ka fuliyo Muqdisho.
Posted by abdi on July 17 2014 14:34:20

Guddoomiyaha Gobolka Sh.Hoose ee Dowladda Soomaaliya, C.qaadir Nuur Siidii, ayaa waxuu shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen Nin ka tirsan Ururka Al Shabaab.


Extended News

Guddoomiyaha Gobolka Sh.Hoose ee Dowladda Soomaaliya, C.qaadir Nuur Siidii, ayaa waxuu shaaca ka qaaday in ay gacanta ku dhigeen Nin ka tirsan Ururka Al Shabaab oo Weerar Ismiidaamin ahaa ka fulin rabay Magaalada Muqdisho.

Waxuu Guddoomiyaha tilmaamay in Gaariga uu watay Ninkan uu ka soo baxay Magaalada Baraawe ee Gobolka Sh. Hoose islamarkaana uu ku sii jeeday Magaalada Muqdisho hase ahaatee ay gacnta ku dhigeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

C.qaadir Nuur Siidii oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu intaa ku daray in markii Ninka ay qabteen, baaritaana ay ku sameeyeen in Gaari Kaligii uu ku Qarxay Degaanka Dannow ee Duleedka Qoryooley waxuuna sidoo kale tibaaxay in Ninkan uu damacsanaa in uu Weerar Ismiidaamin ah ka fuliyo Magaalada Muqdisho.

Sikastaba, dhawaan ayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya waxaa Magaalada Muqdisho ay ku fashiliyeen Gaari Nuucaa oo kale kaa oo laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa Iyadoona Guddoomiyaha uu shaaca ka qaaday in ay ka hortageen Weerarkaasi.

 

Cadnaan cali Maxamuud.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Mogdisho,Somaliya.