Taliyaha Ciidanka Qaranka oo xidhay Sarkaal Ictikaaf kaga jiray Masjidka shacabka.
Posted by ifraax on July 20 2014 14:09:37

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Ismaaciil Shaqale ayaa shalay xabsiga dhigay sarkaal a tirsan ciidanka Qaranka oo ku cibaadaysanayey masaajid ku yaala shacabka.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Ismaaciil Shaqale ayaa shalay xabsiga dhigay sarkaal a tirsan ciidanka Qaranka oo ku cibaadaysanayey masaajid ku yaala shacabka.


shaqaleAskar ka tirsan Ciidanka qaranka ayuu Taliye Ismaaciil u diray masaajidka uu ku jiray Sakaalku waxaanu ku amray inay ka soo kaxeeyaan, hase yeeshee qaabka ay Askartaasi u kaxaysay Sarkaalka la soo amray ayey dad badani dhibsadeen.

Sarkaalka la xidhay ayaa isla markiiba loo gudbiyey Jeel ku yaala Birjeex, halkaas oo lagu xidhay.

Wararka Hargeysa Online ka heshay xadhiga Sarkaalkan oo shalay si aad ah looga hadal hayey masaajidka laga qabtay isla markaana dadka warar khaldan looga sheegay ayaa loo xaqiijiyey in sababta loo xidhay ay ahayd shaqada oo aanu ka xaadirin muddo toban cisho ku siman.

Habsanka uu sameeyey sarkaalkan ayaa la sheegay sida xaqiiqada ah in uu ahaa uun cibaadada uu ku jiray maadaama lagu jiro tobankii cisho ee u danbaysay bisha barakaysan ee Ramadaan.

Sarkaalka la xidhay ayaa degan xaafadda shacabka ee masaajidku ku yaalo waxaanu ahaa shakhsi ku xidhan masaajidka oo inta badan ku guta cibaadada, waxaana siday wararku sheegayaan loo bedelay waax cusub taasoo aanu wali tagin maadaama uu kaga mashquulay cibaadada.

 

Ayaan maxamed cismaan.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.