Soomaali lagu xiray Kenya oo Meydadkooda laga helay Dalkaasi.
Posted by ifraax on July 20 2014 14:17:52

Wararka laga helayo Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya ayaa sheegay in 3 Muwaadin Soomaali ah oo ku Noolaa gudaha Dalka Kenya Meydadkooda..


Extended News

Wararka laga helayo Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalka Kenya ayaa sheegay in 3 Muwaadin Soomaali ah oo ku Noolaa gudaha Dalka Kenya Meydadkooda lagu arkay Magaalada Nairobi ee Caasimada Dalkaasi.

Goobjooge la hadlay Shabakada Hargeysa Online ee Magaalada Mudisho  ayaa sheegay in Muwaadiniinta Soomaalida ee Meydadkooda laga helay Kenya ay ahaayeen Ganacsato ku Noolaa Magaalada Nairobi.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Ciidamada Booliska Kenya gaar ahaan kuwa Amaanka in ay Muwaadiniintan Soomaaliyeed kala baxeen Guryahooda islamarkaana lagu arkey Meydkooda Magaalada Nairobi.

Ugu dambeyn, Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Kenya, Yuusuf Xasan, ayaa sheegay in Madaxda Soomaaliya looga baahan yahay in ay ka hadlaan falka Dilka ahaa ee lagula kacay Muwaadiniintan Soomaalida isagoona sidoo kale Madaxda Dowladda Kenya ugu baaqay in ay jawaab cad ka bixiyaan falkaasi.

 

Cadnaan cali Maxamuud.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Mogdisho,Somaliya.