Al Shabaab iyo Ciidamada Dowladda oo Dagaal ku dhexmaray Magaalada Baydhabo.
Posted by ifraax on July 20 2014 14:23:42

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Dagaal yahano hubeysan oo ka tirsan sida la sheegay Al Shabaab ayaa Dagaal Culus waxuu ku dhexmaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.


Extended News

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Dagaal yahano hubeysan oo ka tirsan sida la sheegay Al Shabaab ayaa Dagaal Culus waxuu ku dhexmaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dagaalkan oo qaatay Saacado kooban ayaa waxuu ka dambeeyay ka gadaal markoo Al Shabaab ay Weerar gaadmo ahaa ku qaadeen Fariisin Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay ky leeyihiin Magaalada Baydhabo.

Waxaa Wararka ay sheegayaan in Dagaalka uu Qasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac uu u geystay Ciidamada Dowladda iyo kwa Al Shabaab inkastoo aan wali la cayimin.

Al Shabaab ayaa mararka qaar waxaa ay Weeraro kala duwan ka geystaan Duleedka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Iyadoo Saraakiisha Dowladda ay sheegeen in ay ka hortagi doonaan Weeraradooda.

 

Cadnaan cali Maxamuud.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Mogdisho,Somaliya.