Xisbiga Ucid Oo Xilkii Ka Qaaday Xoghayihii Arimaha Dibada Ee Xisbiga Yuusuf Budle.
Posted by ifraax on July 20 2014 14:32:16

Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa xilkii ka qaaday xoghayihii arimaha dibada ee xisbiga Ucid Mr Yuusuf Budle.


Extended News

New Page 2

Hargaysa(Hargeysa Online) Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa xilkii ka qaaday xoghayihii arimaha dibada ee xisbiga Ucid Mr Yuusuf Budle.


Ujeedo: Xil Ka Qaadis

Laga bilaabo manta oo taariikhdu tahay 18/07/2014 waxa xilkii uu u hayay xisbiga UCID ee Xoghayaha Arimaha Dibadda laga qaaday Mr Yusuf Budle ka dib markii uu si habsami ah u gudan kari waayay isla markaana si toos ah uga hor yimi siyaasadda xisbiga uu ku wajahan arimaha dibadda gaar ahaan xidhiidhka Somaliland iyo dalalka jaarka oo xisbigu aaminsan yahay in mar walba uu noqdo mid wanaagsan oo ku dhisan iskaashi,

is ixtiraam, iyo nabad kuwada noolaansho, si loo xaqiijin karo deris wanaag

Xisbiga UCID wuxu cadaynayaa hadalo dhawaan ka soo yeedhay Yusuf kuna eedaynayay dawladda Djibouti iyo madaxwayne Ismaciil Cumar Geele aanu ku metelaynin haba yaraato eh xisbiga balse ay isaga uun ku koobnayd.

Ugu dambaystii xisbiga UCID wuxu raaligelin ka bixinayaa wixii deelqaaf, xadgudub, af legaado iyo farogelin arimaha gudaha ee Djibouti ah ee ka soo yeedhay Yusuf Budle isagoo ah masuul UCID.

  (ARIMIHII LOOGA ERYEY HALKAN KA DAAWO.)

Mahad Ilaahay Baa Leh, Wa Bilaahi Tawfiiq

 

 

 

 

 

Cali Maxamed Yussuf

Gudoomiye/xigeenka 3aad

Ayaan maxamed cismaan.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.