Jabuuti oo Marti Qaad Sharafeed u fidisay Gudoomiye Cirro.
Posted by ifraax on July 21 2014 10:26:06

Xukuumada dalka Jabuuti ayaa, martiqaad rasmi ah u fidisay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani.. 


Extended News

Xukuumada dalka Jabuuti ayaa, martiqaad rasmi ah u fidisay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna, Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro),martiqaadkan oo ahaa mid sigaar ah loogu soo martiqaadey, ayaa la filayaa in ay kaga wadahadli doonaan arimo la xidhiidha xaalada mandaqada.
 
Majiraan Wara dheeraad ah oo kasoo Baxey Dhinaca Gudoomiyaha oo ku sahabsan Martiqaadka Xukuumada dalka Jabuuti u fidisay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (ciro),hadana wararka ka ag dhawi waxey tibaaxeen in nuxurka socdaalkiisani daaran yahey , arimaha dhinaca diblamaasiyada oo xidhiidh fiicani ka dhexeeyo Gudoomiye Ciro iyo dalalka dariska ah sida Jabuuti iyo Itoobiya, iyadoo la sheegay in uu dhawaan socdaal ku tagi doono dalka Itoobiya,
kadib marka uu kasoo guryo noqdo martiqaadka Dowlada Jabuuti u fidisay wakhtigan.

Inkastoo aanay, noo suurtagalin in Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani ahna Ra,iisal Baarlamaanka Somaliland Cabdiraxmaan-ciro aanu wax ka weydiino nuxurka Socdaalkani hadana sida ay hadhawnaagnews u xaqiijiyeen, Masuuliyiinta Xisbiga Wadani waxa uu martiqaad rasmi ah ka helay wakhtigan Xukuumada dalkaasi Jabuuti.

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.