Somaliland oo Shaacisay inay Casuumaad u fidisay Ergayga QM ee Soomaaliya.
Posted by abdi on July 23 2014 14:41:53

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa shaaciyay inay casuumaad uu ku imaanayo Hargeysa u fidiyeen ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay.


Extended News

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis ayaa shaaciyay inay casuumaad uu ku imaanayo Hargeysa u fidiyeen ergayga Qaramada Midoobay ee Somalia, danjire Nicholas Kay, tan iyo markii uu mad-madowgu soo dhexgalay ergayga iyo maamulka Somaliland. Biixi oo wariyeyaasha kula hadlayay Hargeysa Talaadadii shalay ayaa sheegay in casuumaadda danjire Kay ay qayb ka tahay go'aan ay ku gaartay Somaliland inay wanaajiso xiriirka ay la leedahay Qaramada Midoobay. "Ergayga iyo anigu waxaan 12-kii Juun ee sannadkan ku kulannay magaalada London, waxaana u fidinnay marti-qaad rasmi ah, waxaana uu Somaliland imaanayaa 18-ka ama 19-ka bisha Ogoosto ee soo socota," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Somaliland. Sidoo kale, wasiirka ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ay kala hadli doonaan ergayga, isagoo sheegay inay kala hadli doonaan arrimo aan lug ku lahayn siyaasad, waxaana ka mid ah, horumarinta iyo tababarro la siiyo ciidamadeenna booliiska iyo asluubta. "Danjire Kay waxaa hoos-yimaada dhammaan ha'yadaha Qaramada, haddii ay ahaan lahaayeen kuwa horumarinta iyo kuwa bani'aadamnimada ka shaqeeya, waxaana casuumaddiisa ay qayb ka tahay xoojinta xiriirka Somaliland iyo Qaramada Midoobay," ayuu ku daray hadalkiisa Maxamed Biixi Yoonis. Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in qorshayaashooda ay qayb ka tahay sidii ay Qaramada Midoobay uga heli lahaayeen waxyaabaha ay u baahan yihiin ee xaqa ay u leeyihiin, sida dadyowga kale ee caalamka ku nool. Booqashada danjire Nicholas Kay ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu ku tago Somaliland tan iyo bartamihii sannadkii hore, markaasoo uu khilaaf soo dhexgalay isaga iyo maamulka Somaliland oo ka biyo diiday in Hargeysa laga furo xafiis ay UNSOM leedahay. Madaxda Somaliland ayaa ku doodday in xafiiska UNSOM uu yahay mid lagu ballaarinayo howlaha dowladda federaalka Soomaaliya, sidaas awgeedna ay diideen in xafiiskaas laga furo Hargeysa, taasoo keentay in danjire Kay uu kasoo tago Hargeysa isagoo careysan, tan iyo xilligaasna dib uguma laaban Somaliland. Inkastoo Somaliland ay sheegtay inay casuuntay danjire Nicholas Kay ayaanay haddana jirin wax war ah oo kasoo baxay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya, kaasoo ku aaddan booqashada la sheegay in danjiruhu uu ku tagayo magaalada Hargeysa bisha soo socota ee Ogoosto.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.