Saado Cali Warsame oo Muqdisho lagu dilay iyo Al-shabaab oo sheegatay.
Posted by ifraax on July 23 2014 05:00:00

Allaha u naxariisteen xildhibaanad, Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd xubnaha haweenka ah ee baarlmaanka Soomaaliya ku jira ayaa goor dhow lagu toogtay dhabarka dambe ee hoteelka ay deggenayd.


Extended News

 

Allaha u naxariisteen xildhibaanad, Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd xubnaha haweenka ah ee baarlmaanka Soomaaliya ku jira ayaa goor dhow lagu toogtay dhabarka dambe ee hoteelka ay deggenayd ee Ambassador oo ku yaalla jidka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaannadan ayaa waxaa la sheegay inay toogteen dambley gaari watay, kuwaasoo isku hor-gooyay gaari ay wadatay dabadeedna toogtay iyada iyo darawalkeediina, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo xildhibaanad haweeney ah oo baarlamaanka ka tirsan lagu dilo Muqdisho.

"Kooxo hubeysan oo gaari watay ayaa isku hor-gooyay gaari ay la socoday xildhibaannada, waxaa lagu furay rasaas, isla goobta waxaa ku dhintay xildhibaannada iyo darawalkeedii ku waday gaariga," ayay tiri haweeney ganacsi ku haysata agagaarka hoteelka Ambassador oo la hadashay Hargeysa Online.

 Halkan ka daawo Video

Dableyda dilka geystay ayaa markiiba goobta ka baxsaday sida ay haweeneydan mar kale u sheegtay Hargeysa Online, iyadoo ay haatan halka uu dilku ka dhacay ku sugan yihiin ciidammo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Marxuumadda ayaa waxay ahayd marka laga soo tago xildhibaannimada mid ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaan gudaha dalka iyo dibadda, waxaana tn iyo sannadkii 2012 ka mid ahay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ku baaqi jirtay in lagu dadaalo sidii dalka dhibaatada looga saari lahaa.

Al-shabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay dilka xildhibaannada, iyadoo la sheegay inay dileen xildhibaanada iyo darawalkeeda rag ku hubeysnaa qoryo culus oo ku sugayay meel ku dhow hoteelka ay deggenayd ee Muqdisho.

"Ciidamadeenna gaarka ah ayaa fuliyay dilka xildhiabaanad Saado Cali Warsame, waxayna tani qayb ka tahay dilalka qorsheysan ee aan doonayno inaan ku layno xildhibaanada golaha baarlamaanka Soomaaliya," ayuu yiri sarkaal u hadlay Al-shabaab.

Xildhibaanad, Saado Cali Warsame ayaa ku noqonaysa afar xildhibaannadii sannadkan lagu dilay magaalada Muqdisho

2014723635417189587204307saado_1.jpg

 

2014723635417189691384845saado_2.jpg

2014723635417189929551217saado_4.jpg

2014723635417190019089025saado_5.jpg


Cadnaan cali Maxamuud.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Mogdisho,Somaliya.