Wafdi ka socda Maamul Goboleedka Puntland oo Muqdisho soo gaaray.
Posted by ifraax on July 25 2014 14:36:47

Wafdi ka kooban illaa 8 Wasiir iyo Waxgarad ka soo Jeeda Maamulka Puntland ayaa xalay soo gaaray Magaalada Muqdisho.


Extended News

Wafdi ka kooban illaa 8 Wasiir iyo Waxgarad ka soo Jeeda Maamulka Puntland ayaa xalay soo gaaray Magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Yuusuf  Wasiir ku xigeenka Howlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland oo ka mid ahaa Wafdigaasi ayaa Hargeysa Online faah faahin ka siiyay u jeedka safarkooda isagoo xusay in Madaxda dowladda  ay kala hadlayaan ammaanka Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta ka soo Jeeda Puntland ee ku sugan Caasimadda Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka ayaa xusay in ay aad uga xun yihiin dilkii Xildhibaanad Saado kaas oo ah qorshaha Koowaad ee wafdigu u soo abaaray Magaalada Muqdisho ka hadalkiisa uu yahay.

Kulamada Masuuliyiintaan ka socota Maamul Goboleedka Puntland iyo Madaxda dowladda ayaa la sheegay in ay sii socon doonaan.

 

Cadnaan cali Maxamuud.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Mogdisho,Somaliya.