Iska hor imaadyo iyo Qaraxyo xalay ka dhacay Muqdisho.
Posted by ifraax on July 25 2014 14:42:15

Iska hor imaadyo u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo Al Shabaab ayaa xalay waxa ay ka dhaceen Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafadaha Carafaat iyo Ceymiska.


Extended News

Iska hor imaadyo u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo Al Shabaab ayaa xalay waxa ay ka dhaceen Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xaafadaha Carafaat iyo Ceymiska ee degmada Yaaqshid.


Sida ilo deegaanka ah ay Sheegeen iska hor’imaadyada ayaa ka dambeeyay kadib markii Dagaalamayaal Hubeysan oo Al Shabaab ah ay weeraro ku qaadeen fariisimo Ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Xaafadaha Carafaat iyo Ceymiska Degmada Yaaqshid ee Gobolkaan Banaadir.

Ma cadda khasaaraha Rasmiga ah ee ay geysteen iska hor imaadyadaasi xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho xilliga oo Habeen ahayd aawgeed.

Dhinaca kale waxaa xalay qaraxyo ay ka dhaceen Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Bar ay Ciidamada dowladdu ku leeyihiin halka loo yaqaan Biyo dageenka.

Qaraxyadaasi oo ahaa Bambaanooyinka nuuca  gacanta laga tuuro ayaan weli la faah faahin xaddiga khasaaraha ay geysteen.

Weli Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamullada Degmooyinka Heliwaa iyo Yaaqshid ee Gobolka Banaadir oo ku aadan qaraxyada iyo dagaalada xalay ka dhacay degmooyinkaasi.

 

Cadnaan cali Maxamuud.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Mogdisho,Somaliya.