Ma aqbaleyno in aan la soo qaban gacan ku dhiiglayaashii qaarijiyay Xildhibaanad Saado.
Posted by ifraax on July 25 2014 14:47:38

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Max’ed Cali Gaas ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in aan gacanta lagu soo dhigin gacan ku dhiiglayaashii dilka u geystay.


Extended News

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/weli Max’ed Cali Gaas ayaa sheegay in aan la aqbali doonin in aan gacanta lagu soo dhigin gacan ku dhiiglayaashii dilka u geystay Allaha u Naxariistee Xildhibaanad Saado Cali Warsame.

Gaas ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya uu ka dalbanayo in ay gacanta ku soo dhigto dambiilayaashii ka dambeeyay dilka Saado si cadaaladda loo hor geeyo.

Dhinaca kale Banaanbax xoogan oo ka dhacay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland ayaa loogu  baaqay Xildhibaanada ka soo jeeda Maamulkaasi in ay isaga soo baxaan Magaalada Muqdisho.

Dadka ayaa ku dhawaaqayay ereyo ay ka mid yihiin “ Haweenka Puntland ayaa iska uruurinayo dhaqaalaha ay uga soo baxayaan Xildhibaanadeena Magaalada Muqdisho”.

Maalin ka hor ayey ahayd markii Muqdisho dil loogu geystay allaha u naxariistee Xildhibaanad Saado Cali Warsame taas oo dilkeeda ay sheegteen dagaalamayaasha Al Shabaab.

 

Cadnaan cali Maxamuud.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Mogdisho,Somaliya.