Ciidanka Qaranka ayaa gacanta ku soo dhigey gaadhigii cali khalif galaydh iyo labo ilaaladiisii ka mid ahaa.
Posted by abdi on July 26 2014 14:27:09

Taliyaha Ciidanka Gen,Ismaaciil Maxamed Shaqale ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaadhigii uu watay Cali Khaliif Galaydh oo hada ku sugan deegaanka Saax dheer...


Extended News

Taliyaha Ciidanka Gen,Ismaaciil Maxamed Shaqale ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen gaadhigii uu watay Cali Khaliif Galaydh oo hada ku sugan deegaanka Saax dheer ee xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya.



“Cutub-yada CIidanka Qaranka Somaliland eek u Sugan Aagga Saax-dheer waxay Gacant ku dhigeen saq badhkii habeen hore Gaadhigii Dagaal Ooge Cali Khaliif Galaydh, iyadoo Ilaaladiisuna Saaran tahay. Tani waxay digniin u tahay Dagaal Ooge Kasta”ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo uu soo saaray Taliyaha guud ee ciidanka Militariga Somaliland Shaqale.

Taliyuhu war intaas ka faahfaahsan kama soo saarin qabashadda gaadhigaasi, haseyeeshe xidhiidho badan oo aanu la samaynay ciidanka iyo dadka deegaanka ayaa sheegaya in gaadhigu si kadis ah ugu soo baxay ciidanka,isla markaana aanay ku ogeyn goobtan in ciidan ka ag dhowaa, taasina ay u sahashay in gaadhiga iyo laba askari oo saarnaa gacanta lagu dhigo, iyadoo wararka qaar sheegayaan in Dirawalkii gaadhigga waday markiiba baxsaday ka dib markii uu daaqadda ka booday.

Ciidanka ayaa degan duleedka tuuladda Saax dheer ee uu jooga Xildhibaan Cali Khaliif Galaydh, inkastoo la sheegayo in dhinaca xuduudda Itoobiya uu xildhibaanku ka degan yahay.

Sidoo kale, wararka aanu ciidanka ka helayno ayaa sheegaya in gaadhiga laga dhex helay dhukumantigiisi iyo mobilekiisa xildhibaanka, kaasi oo cadaynaya lahaansha gaadhiga.

Dhinaca kale, wefti uu hogaaminayo xildhibaan Cali Khaliif Galaydh ayaa laba cisho ka hor ka soo laabtay shir ka dhacayey deegaanka Burtinle ee gobolka Mudug kaas oo ay kuwadda lahaayeen maamulka Puntland, haseyeeshee waxa la sheegay inay isku afgaran waayeen shirkaasi, madaama oo xildhibaanku doonayey in loo wada hadlo sidii laba maamul oo is garab yaalla, halka qoladda Puntland wadatay qorshe ah in maamul iyo dadkiisa u wada hadlaan oo meesha laga saaro laba maamul, taas waxa ka biyo diiday xildhibaanka oo doonayey in Puntland aqoonsato maamulka Khaatumo.

Haseyeeshee illaa hadda wax war kama soo bixin labadda dhinac midkoodna oo ku aadan shirkaasi ay wada yeesheen.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.