Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo ku eedeeyay Dilka Saado Madaxtooyada.
Posted by abdi on July 26 2014 14:34:09

Xildhibaan Saciid Diiriye Daba-gub oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Goboleedka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Xildhibaan oo ka soo jeeda Degaanada Puntland oo lagu Dilay Muqdisho.


Extended News

Xildhibaan Saciid Diiriye Daba-gub oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Goboleedka Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Xildhibaan oo ka soo jeeda Degaanada Puntland oo lagu Dilay Muqdisho kuwaasi oo kala ah Allaha U Naxariistee Xildhibaan Maxamed Warsame Feysal, Xildhibaan Maxamed Maxamuud Xeyd iyo Xildhibaan Saado Cali Warsame oo ka soo jeedo Puntland ay Dilkooda ka dambeeyeen sida uu hadalka u yiri Madaxtoooyada Soomaaliya.

Xildhibaan Saciid ayaa sheegay in Al Shabaab aysan ka dambeynin Dilka Xildhibaanadaasi oo loogu Dilay sida uu hadalka u yiri qorshe Siyaasadeed waxuuna intaa ku daray in Shacabka Puntland ay rumeysan yihiin falalkaasi ay ka dambeeysay Madaxtooyada Soomaaliya.

Xildhibaan Saciid Diiriye Daba-gub oo hadalkiisi sii wata ayaa waxuu uu dambeyn intaa ku daray in ay jiraa Xildhibaano kala oo ka soo jeeda Degaanada Puntland kuwaa oo ku tilmaamay in lala damacsan yahay Dil waxuuna ka dalbaday in ay ka baxaan Dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaana ay dib ugu soo laabtaan Puntland.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.