Munaasibadda Ciidul fitriga awgeed waxaanu hambalyo u hawda u marinaynaa beesha(Ciidagale)
Posted by ifraax on July 28 2014 17:12:38

Aniga oo ku hadlaya magaca beesha Ciidagale ee ku nool dalka Ingigiriiska waxaanu munaasibadda Ciidul fitriga awgeed ee ku beegan Isniinta Hijrada 1 shawal 1435 miiladigana 28/7/2014.


Extended News

Bismillaahi Arramanirraxeem. waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Aniga oo ku hadlaya magaca beesha Ciidagale ee ku nool dalka Ingigiriiska waxaanu munaasibadda Ciidul fitriga awgeed ee ku beegan Isniinta Hijrada 1 shawal 1435 miiladigana 28/7/2014 hambalyo hawada u marinaynaa ummada muslimiinta ah gaarahaan,shacabka Somaliland gudo iyo debedba,xisbiyada qaranka golayaasha qaranka dawladda Somaliland.

Annaga oo Ilaahay uga baryeyna in ay ku wada ciidaan sannadkan iyo sannadaha ka dambeeya ,farxad,bashabash ,barwaaqo iyo horumar lagu waaro,waxa kale oo aanu Illaahay uga baryeyna in uu kuwa xanuusanaya caafimaad siiyo, maytida janneeyo,kuwa baahan baahida ka dul qaado,kuwa caafimaadka qaba u siyaadiyo kuwa ladan u siyaadiyo iyo nabadgelyada Somaliland haysato u adkeeyo.

Xikmadda looga jeedo ciidaha ciidul fitriga iyo ciidul udxada waxay tahay in ay muslimiintu isugu yimaadaan salaadaha labadaas ciidood si ay isugu bartaan,isku xidhiidhiyaan,isu saamaxaan ,in ay salaamaha iyo boogaadinta kala qaataan isuna gudbiyaan,sida ay u kala jilicsanyihiina isu caawiyaan.

Mar kale ciid wanaagsan iyo hambalyo diirran oo aanu idin leenahay ku wada ciida caafimaad iyo farxad.


Ilaahay ayaa mahad leh.
Guddoomiyaha beesha Ciidagale deggen UK.
Deeq Cabdi Digale