Iska hor imaadyo dhimisho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay duleedka Xarshin.
Posted by abdi on July 30 2014 17:15:59

Sadexdii maalmood ee ugu danbeeyey waxa deegaanka hawdka Xarshin ka taagan dagaalo goo goos ah oo u dhaxeeya beelo halkaas wada dega, kuwaas oo uu ka dhashay khasaare Dhimasho iyo dhaawac. 


Extended News

sadexdii maalmood ee ugu danbeeyey waxa deegaanka hawdka Xarshin ka taagan dagaalo goo goos ah oo u dhaxeeya beelo halkaas wada dega, kuwaas oo uu ka dhashay khasaare Dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo labada dhinac kala gaadhay.

Inkasta oo aan war rasmi ah laga haynin khasaaraha soo kala gaadhay labada dhinac, hadana ilo wareeedyada aanu ka helayno wararka khuseeya dagaalkan ayaa sheegaya in Beesha Xarshin ay ka dhinteen laba qof, halka dhinaca kalena lagu soo waramayo inay dhimasho taas la mid ahi ka jirto.

Dhulka dagaalku ka dhacay oo ah Hawdka ayaa lagu soo waramayaa Beelaha ku dirirayaa inay Hubka isku gurteen oo Gurmadku dhinac walba ka soo gurmayo, inkasta oo aanay wali jirin talaabo ay xukuumadda Itoobiya ku kala dhex gashay Reerahaasi.

Isgaadhsiinta oo aan wanaagsanayn darteed wax war ahi kama soo kordhin xalay dagaalka ka taagan deegaankaasi, hase yeeshee waxa la soo sheegayaa mararka qaarkood in ay iska hor imaadyo koo koobani ka dhacayaan jiida hore ee la isku hor fadhiyo.

Dawladda Itoobiya ayaa talaabo adag hore uga qaadatay dagaaladda ka dhaca deegaanka imika dagaalku ka soo cusboonaaday, wallow la sheegay beelaha Dirirtu u dhaxaysaa inaanay ahayn kuwii hore midkood.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.