Dagaal Culus oo ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo.
Posted by ifraax on July 31 2014 17:07:40

Dagaalkan oo ahaa mid Culus islamarkaana u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka KMG ah ee Juba iyo kuwa Ururka Al Shabaab ayaa Xalay waxuu ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo.


Extended News

Dagaalkan oo ahaa mid Culus islamarkaana u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka KMG ah ee Juba iyo kuwa Ururka Al Shabaab ayaa Xalay waxuu ka dhacay Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Waxuu Dagaalkan ka dambeeyay kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay Weerar Xoogan ku qaadeen Nawaaxiga Jaamacaddaha Kismaayo oo Saldhig Ciidan ay ku leeyihiin Ciidamada Maamulka Juba iyo kuwa AMISOM.

Xiriiro kala duwan aanu la sameenay Saraakiisha Maamulka KMG ah ee Juba iyo Dadka Degaanka ayaa inoo suuro gelin in aan qadka Taleefonka ku haleelno si aan wax badan uga ogaano Qasaaraha dhabta ee ka dhashay Dagaalka.

Ilaa iyo hada majiro hadal madaxbanaan oo ka soo kala baxay Saraakiisha Maamulka KMG ah ee Juba iyo kuwa Al Shabaab oo Xalay Weerarka ku qaaday Saldhiga Ciidamada Juba iyo kuwa AMISOM.


Cadnaan cali Maxamuud.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Mogdisho,Somaliya.