Safaarada Soomalida dalka Masar iyo wasaarada A/dibada Soomaliya oo lacag isku heysta.
Posted by ifraax on August 01 2014 09:25:40

Waxaa soo baxeysa fadeexad xoogan oo dhanka lacag laaluush ah oo laga dhacayo dowlada Soomaliya taa oo cadadeeda lagu sheegay 70 000 oo Usd ah oo loogu tala galay in lagu dayactiro.


Extended News

Waxaa soo baxeysa fadeexad xoogan oo dhanka lacag laaluush ah oo laga dhacayo dowlada Soomaliya taa oo cadadeeda lagu sheegay 70 000 oo Usd ah oo loogu tala galay in lagu dayactiro safaarada Soomalida dalka Masar.

Lacagtaan ayaa muran ka dhax dhalisay wasaarada arimaha dibadda Soomaliya iyo safaarada Soomalida ee dalka Masar iyadoona agaasimaha joogtada ee wasaarada arimaha dibadda mudane Burci uu ku adkeeyey in uu siiyo kaarka aqoonsiga ee safaarad nimo Sakateeriyaha koowaad ee safaarada Soomalida ee dalka Masar mudane Ileys oo muda joogay magaalada Muqdisho

Dood dheer kadib ayaa ayaa lagu heshiiyey in uu Ileys nus ka mid ah lacagta safaarada lagu dayac tiraayo uu bixiyey si hoowshiisa loogu fududeeyo isagoona ogoladay Ileys in 70 000 usd lagu dayactiraayo safaarada Soomalida Kala Bar uu qaato xogeeyaha Joogtada ee wasaarada arimaha dibadda Mudane Burci taa oo wali wasaarada maaliyada wali ka soo bixin lakiin ay ogolaatay waloow saxiixa madaxweynaha looga baahan yahay lakiin wasaarada maaliyada ay balan qaaday in lacagtaasi fududeeyn doonta loona baahnaan doonin saxiixa madaxweynaha

Safaarada Soomalida ayaa durba u hor marisay lacagtiisa xogeeyahay joogtada wasaarada arimaha dibada Mudane Burci 35000 usd ah iyadooan qeyb ka mid ah lacagtaas guri weyn looga iibiyey deegaanka quruxda badan ee Raxaab waxaan qeyb ka mid ah lacagtaas la siiyey waaxda Canshuuraha ee Munajiibiyada madaama koow iyagu aad ka keensaneysid ogolaansho in aad iibsan karta

Daba gal aan ku sameeynay arinka oo aan wax ka weydiinay dad ka agdhwo xogeeyaha joogtada wasarada arimaha dibada yaa noo sheegay in guri la iibinaya uu san jirin balse caruurta xogeyhaya ay dagi doontaa dalka Masar
Arintaan isdaba marinta ayaa durba buuq xoogan dhalisay iyo wasaarada arimaha dibad amaanta kulan la yeesheen Barlamaanka Soomaliya qeybta u qaabilsan wasaarada arimaha dibada

Dhanka kale isbadal xoogan ayaa dhawaan lagu sameynayaa saafarada Soomalida dalka Masar iyadoona dhawaan la badali doono safiirka lana keeni doono safiir cusub oo aan wali helin magaciisa.


Cadnaan cali Maxamuud.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Mogdisho,Somaliya.