Taliyihii Booliska ee Boosaso oo Weerar is-miidaamin ku geeriyooday.
Posted by ifraax on August 05 2014 10:13:01

Taliyaha Qaybta booliska gobolka Bari C/raxmaan Cali Cabaas Muslin ayaa ku geeryooday qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore ee xarunta Taliska Gobolka bari ee Boosaaso.


Extended News

Taliyaha Qaybta booliska gobolka Bari C/raxmaan Cali Cabaas Muslin ayaa ku geeryooday qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay afaafka hore ee xarunta Taliska Gobolka bari ee Boosaaso.

Qaraxa waa kale oo ku geeriyoodey taliyihi ilaalada canshuuraadka beriga ee gobolka Bari, iyo qaar kamid ah askartii la socotey.

Ninka fuliyey falkan ayaa ahaa nin soconaaya, oo hoos ka soo xirtey Jaakada qaraxa lagu sameeyo waxaana uu iska dhigey nin salaamaya Taliyaha kadibna isla markii uu u soo dhawaadeyba waa is qarxiyey. Qaabka uu qaraxa u fuliyey ninka weerarka qaadey ayaa ah mid aan horey loogu arag deeganaadaas.

Qaraxa ayaa waxa uu dhacay Goordhow xili uu marayey taliyaha Muslim Afaafka hore ee Qaybta Booliska Gobbolka Bari ee magaalada Boosaas.

Waxaa jidadaka Bosaso lagu soo daadiyey ciidamo faro badan, waxaa xiran dhamaan dhaq-dhaqaaqa magaalada, dadkuna guryahooda ayey u kala carareen.

C/raxmaan Cali Cabaas Muslin ayaa muddo dheer ahaa taliyaha laanta socdaalka ee gobolka Bari waxaana uu ka hawlgeli jirey garoonka diyaaradaha ee Bosaso, bilo ka hor ayaa loo magacaabey taliyaha qaybta gobolka Bari.

Waa qaraxii u horeeyey oo niicsiia ah oo Puntland ka dhaca muddooyinkan, Kooxda al-Shabaab ee ku sugan buuraha ku dhaw Bosaso ee sil-silada Golis ayaa awoodoodu ahayd mid ay wiiqan tey muddooyinkan oo aan qaadin wax weerar ah tan iyo markii ay sida gaadmada ah ku dileen Taliye Afguduud oo haytey ciidamada daraawiishta ee Buurta Galgala.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.