Kulan uga qabsoomay beesha Ciidagele magaalada Manchester UK.
Posted by ifraax on August 10 2014 10:02:20

Waxaa ka qabsoomay Magaalada Manchester kulan  ay soo qabaqaabiyeen Guddida horumarinta ee beesha Ciidagale markay taariikhdu ahayd 6/8/2014,shirkaas oo ahaa mid si meeqaam sare ah loo soo agaasimay.


Extended News

Bismillaahi Arramanirraxeem. Ummadda reer Somaliland waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.


Waxaa ka qabsoomay Magaalada Manchester kulan  ay soo qabaqaabiyeen Guddida horumarinta ee beesha Ciidagale markay taariikhdu ahayd 6/8/2014,shirkaas oo ahaa mid si meeqaam sare ah loo soo agaasimay,  waxaana ka soo qayb galay jaalliyada beeshaas ee deggen Manchester ee carriga Ingiriiska.



Ujeeddada shirkaas laga laha waxay ahayd dardar galin danaha beesha iyo is xog waraysi,waxaana lagu furay aayado qur,aan oo uu akhriyey Sheekh Cabdraxman.

Ugu horrayn waxaa ka hadlay Guddoomiyaha beesha mudane Deeq Cabdi Digale,waxaanu ka warbixiyey arrimo dhawra,oo ay mid yihiin,dhismaha mashruuca waddada Cad kaas oo carratuulku magaalada Qoolcaday dhaafay daamurkukuna ku joogo buurta duudka korkiisa,waxaanu ku dheeraaday muhiimada ay leeday ka qayb qaadashada waddadaas,waxaa kale oo uu ka hadlay arrinta muranka dhalisay ee doonayso in ay xukuumadda Somaliland ku ooddo Banka Qoolcaday iyo biyo galinta qaybaha caasimadda Somaliland ee Hargeysa,waxaa kale oo halkaas ka hadlay wakiilka  u jooga gudida beesha magalada Manchester iyo deegaanada ku xeeran mudane Adan farax kuna dheeraday midnimada iyo  sidii gacmaha laysu qabsan lahaa,waxa kale oo  ka hadlay xubnihii ka soo qayb galay waxaanay ku wada nuuxnuuxsadeen wanaaga uu leeyahay kulamada oo la joogteeyo.


waxaana shirkaa laysla qaatay qodobbadan.

 

  1. In horseed loo noqdo nabadgelyada dalka Somaliland.
  2. Beelaha reer Somaliland in ay ilaaliyaan midnimada taas oo ay qaranimada tiir u ah.
  3. In is fahan waaga laga saaro arrinta banka Qoolcaday dawladduna ay daryeel u fidiso dadka reer Somaliland ee xoolaha dalka u dhaqaya lana gaadhiiso iyaga dhulkooda deggen adeegyada aasaasiga sida ,biyaha riigag iyo ceelal loo qodo si ay uga badbaadeen dhibaatooyinka biyo la,aanta ka haysta,caafimaadka loona sameeyo goobo caafimaad.
  4. In cid kasta oo khayrka jecel ay ka wada qayb qaataan mashruuca waddada Cad.
  5. In ay dawladu il gaara ku eegto qaybaha magaalada Hargeysa biyo la,aantu ka jirto ama aanay gaadhin lagana faa,iidaysto tabarrucaadka caalamku siiyo dalka.

 

 

 

 

 

 

 

Ilaahay ayaa mahad leh
Guddoomiyaha beesha Ciidagale UK.
Deeq Cabdi Digale.