Xisbiyada Mucaaridka ee Somaliland Waddani, Ucid iyo Madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa Si wadda jir ah ugu baaqay in la dhiso Dawlada Wadaag ah.
Xisbiyada Mucaaridka ee Somaliland Waddani, Ucid iyo Madasha wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka ayaa Si wadda jir ah ugu baaqay in la dhiso Dawlada Wadaag ah, haaddii Xukumadu wakhtigeeda ay ku qaban waydo Doorashooyinka Madaxtooyada iyo Wakiilada.
Waxa kale oo ay ka Dayriyeen in ay xukumada Siilaanyo ay diyaar u tahay in ay doorasho ka dhacdo dalka iyaga oo hoosta ka xariiqay in haaddii dalka doorasho ka dhiciweydo ay eeda leedahay Xukuumada wakhtigan jirta.
Sidaasi waxay ku sheegen Shirjaraa’id oo ay wadda jir ugu qabteen Hotel Ambasador ee Magaalada Hargeysa.
Shirkasi Jaraa’id ayaa wax aka qaybgalay masuul;iyiinta ugu sareysa ee Labbada Xisbi Mucaarid iyo Madasha Wadatashiga.
Qoraal Dheer oo ay halkaasi ka akhriyeen ayaa waxa uu u dhigna sidan .
. si loo xaqiijiyo in ay dhacaan doorashooyin xor iyo Xalaal ah.
. si looga hor-tago in ay soo noqdaan Gol-daloolooyinka ka soo baxay Doorashadii Dawladaha Hoose ee 2012kii.
. si loo hubiyo ama loo xaqiijiyo dhexdhexaadnimada Guddiga:
.Si loo abuuro duruufo Dimuqraaddi ah oo ay u siman yihiin Saddexda Xisbi Qaran ee doorashada ku tartamayaa.
. in ay Eedeeda yeelan doonto Xuumuddu, iyada oo ay waajibkeeda tahay in ay qabato doorashada xilligeeda.
.in ay Waajib noqondoonto in wixii ka dambeeya 26ka juun 2015ka la dhiso xukuumad ku meel gaadh ah, oo loo dhan yahay , waajibkeeda koowaadna yahay in ay dalka doorshooyin.
. in haddii marka la gaadho 31ka diisambar 2015ka, ay muuqato ama caddaato in aan dalka doorashooyinkii ka dhacayn xilligii loo qorsheeyey, waxa la bilaabi doona sidii looga hawl-geli lahaa abaabulka Xukuumadda ku-meel-gaadhka ah eek or ku xusan.
ALLA MAHAD LEH.
Qoraalkan ayaa waxa ku saxeexnaa
1. Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe
2. Musharax Jaggada Madaxtinimad aee Ucid Jamal Cali Xusseen
3. Cali Maxmamed Yuusuf (Cali Guray)
4. Gudomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro).
5. Guddoomiye Ku-xigeenka Axmed Muumin Seed.
6. Ibraahin Jaamac Cali rayte
7. Guddoomiyaha Madasha Wadatashiga Xassan Guurre.
8. Maxamed Xaashi.
9. Ibraahin Cabdilaahi Xuseen (Dhagaweyne)
Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.