Ciidanka Kenya ee AMISOM oo isku diyaarinaya howlgallo ka dhan ah Al-shabaab.
Posted by ifraax on August 10 2014 17:21:45

Ciidamada difaaca Kenya ee KDF ayaa isu  diyaarinaya weeraro hor leh oo ay ku qaadaan degmooyin dhowr ah oo ka  tirsan gobolka Jubadda Hoose,kuwaasi oo wali gacanta ugu jira ururka Al-shabaab.


Extended News

Ciidamada difaaca Kenya ee KDF ayaa isu  diyaarinaya weeraro hor leh oo ay ku qaadaan degmooyin dhowr ah oo ka  tirsan gobolka Jubadda Hoose,kuwaasi oo wali gacanta ugu jira ururka Al-shabaab.


Waxaa la sheegay in ciidamo aad u qalabaysan ay u jihaysteen degmada Jilib si ay ugala wareegaan ururkaas ,iyaga oo ka soo amba-baxay magaala xeebeedka Kismaayo oo kamid ah meelaha ay AMISOM ka howl-gasho.

“Waxaa jira ilaa lix xarumood  oo howl-galkeena ugu ballaaran uu ka socdo waqtigan ,waxaana labo kamid ah u xil-saaran KDF oo ay ku jiraan  labada Jubbo “ayuu yiri Col. Ali Haamud oo ah afhayeenka ciidamada AMISOM.

Masuulkan ayaa tilmaamay in dowladda iyo Ciidamadooda ay ka go’antahay dagaal ka dhan ah ururka Al-shabaab ,kaasi oo lagu wado in muddo gaaban gudaheed lagu fuliyo,isagoo oo xusay in ay ku wajahayeen dhowr meelood oo gacanta dowladda ka maqan.

“Waxaan wiiqnay cududdoodi milatari iyo awoodohoodi gaarka ahaa, hadda waxaa jira dhowr meelood oo ay sheegan karaan in ay  gacanta ku hayaan,“ ayuu hadalkiisa ku daray Haamuud oo  u digay Al-shabaab.

Ugu danbayntii madaxweynaha Soomaliya Xasan Shekh Maxamuud ayaa shirkii maalmo ka hor lagu soo gaba-gabeeyay Washington ka sheegay in dowladiisa ay wado qorshe dagaal oo looga hortagayo kooxaha argagaxisada ah si amniga dalka loo sugo.

 

HargeysaOnline.Net