Siyaasigii labaad ee ugu weynaa Dhulbahante Fu’aad Aadan Cadde oo ka goostay Somaliland.
Posted by abdi on August 11 2014 21:23:47

Ilo wareed rasmi ah ayaa Farriinnews.com u xaqiijiyey in Fu’aad Aadan Cadde oo ka soo jeeda Deegaanka Xudun isla markaana ah La taliyaha Madaxweynaha Somaliland. 


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Ilo wareed rasmi ah ayaa Farriinnews.com u xaqiijiyey in Fu’aad Aadan Cadde oo ka soo jeeda Deegaanka Xudun isla markaana ah La taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee Goboladda Barri uu ka goostay Somaliland.

fu'aadWarkani waxa uu sheegaya Fu’aad Aadan Cade oo ahaa Siyaasiga kali ah ee Dhulbahante ee joogay Somaliland tan iyo intii Somaliland lagu dhawaaqay in uu habeen hore ka guureeyey Hargeysa isla markaana ku sugan yahay magaaladda Xudun, halkaas oo uu ku sugayo Qoyskiisa oo Hargeysa kaga danbaysa.

Fu’aad Aadan Cade waxa la sheegayaa safarkiisa in ay Xukuumaddu ka danbaysay markii hore oo ay u dirtay sidii uu uga maslixi lahaa dadka soo jeeda deegaankiisa oo diidmo kala hor yimi shirkad Shiidaal ka baadhaysa, taasoo aanu waxba ka ogayn markii la diray, balse la wargeliyey in uun markii laga hor yimi.

Fu’aad Aadan Cade sida wararka ka soo baxayaa sheegayaan wuxuu bilihii u dabeeyey ka cadhaysnaa qaabka ay Xukuumaddu u maamulayso hawlaha ku aadan Goboladaasi gaar ahaan shiidaalka, kuwaas oo aan waxba lagala socodsiin isagoo ah Oday weyn oo Siyaasi ah isla markaana Aamisan Somalilandnimada.

Xogaha Farriinnews.com helaysaa waxay sheegayaan In Fu’aad maalmahanba ka cadhaysnaa Joogitaanka Somaliland, waxaana la hadal hayaa in uu marka horeba usii socday laba jiho oo midkood tahay Puntland, ta kalena tahay Khaatumo, kuwaas oo la hadal hayo inay beryahanba la soo xidhiidhayeen.

Ma cada in Xukuumadda Somaliland ka hawl gashay baajintiisa iyo inay Ogtahay qorshihiisa toona, hase yeeshee wararka hoose waxay sheegayaan in Qoyskiisu u xadhko xidhan yihiin sidii ay uga daba tagi lahaayeen, iyagoo lagu wado inay si rasmi ah uga guuraan Somaliland.

Siyaasiyiin iyo Odayaal ka soo jeeda Gobolka Sanaag iyo Sool ayaa beryahan u xadhko xidhan inay ku biiraan maamulada Khaatumo iyo Puntland, kuwaas oo ka cadhaysan Shiidaalka laga baadhayo deegaanadooda oo aanay waxba kala socon ama ay doonayaan in ay gadh-wadeen ka noqdaan.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.