Meydka ilmo yar oo laga helay xaafada siiney ee degmada axmed dhagax ee malaagada hargeysa.
Posted by abdi on August 13 2014 17:20:03

Ilmo yar oo qiyaastii da’diisa lagu sheegay ilaa laba jir, ayaa maydkiisa oo bac lagu mooriyey laga helay laag biyo-mareen ah oo ku taal badhtamaha xaafadda Siinay.


Extended News

Ilmo yar oo qiyaastii da’diisa lagu sheegay ilaa laba jir, ayaa maydkiisa oo bac lagu mooriyey laga helay laag biyo-mareen ah oo ku taal badhtamaha xaafadda Siinay, Degmada Axmed-dhagax ee magaalada Hargeysa.


Ciidanka booliska ayaan ilaa hadda si rasmi ah uga hadal falka foosha xun ee lagula kacay ilmaha meydkiisa bacda lagu mooriyey iyo cidda dhagartaas ka dambaysay toona, hase ahaatee dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay shalay in wiil da’yar ah arkay maydka ilmaha yar ee laagta la dhigay, dabadeedna lagu wargeliyey ciidanka booliska.

Goob-joogayaashu waxa ay caddeeyeen in ilmaha yar maydkiisu midab-doorsoomay, isla markaana qudhmay, lana garanayn cidda dhigtay, waxana halkaas meydka ka qaaday ciidanka bilayska oo baadhitaan ku samaynaya falkaas naxdinta leh.

Ilmahan yar maydkiisa oo dibadda laagta laga soo saaray, ayaa halkaas waxa waxa ku xoomay dadweyne aad u tiro badan oo u daawasho tegay, laakiin xaqiijiyey in aan la garanayn cidda tuurtay ilmahan yar.

Dhacdadan ayaa noqotay mid cidda aragtay aad uga naxday, iyadoo hore loo arkay ubad yaryar oo marka ay dhashaan dooxa iyo bannaanka lagu tuuro, kadib marka hooyadu garan weydo aabbaha dhalay, kuwaasoo inta badan sifo xaaraan ah ku calool gala, balse weli hore looma arag ilmo laba jir ah oo la dilo, maydkiisana bac lagu mooriyo.

 

Ayaan maxamed cismaan.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.