Mucaaridku Doorasho Diyaar uma aha, Inay Dib u Dhacdona way ku Ducaysanayaan!!
Posted by ifraax on August 16 2014 10:26:33

Siyaasadda hagta Xisbi Siyaasi ah oo Qaran (Muxaafid iyo Mucaaridba) waxay u baahantahay Hayal-samaan iyo argti Siyaasadeed .


Extended News

Siyaasadda hagta Xisbi Siyaasi ah oo Qaran (Muxaafid iyo Mucaaridba) waxay u baahantahay Hayal-samaan iyo argti Siyaasadeed oo aad u xeel-dheer taasoo salka ku haysa Daacadnimo, Run-sheegnimo, Waayo-aragnimo, Dulqaad iyo farsamo Siyaasadeed oo Qaran lagu dhiso Ummadna lagu hoggaamiyo.

Siyaasadda iyo nidaamka Dimuqraadiyadda ee waqtigan casriga ah, ka weyn Xisbiyo Siyaasadeed oo Magac-U-Yaal ah oo aan lahayn Hadaf iyo Himilo Siyaasadeed oo haga. Nidaamka Dimuqraadiyadda ah ee ku salaysan Axsaabta badan, ka culus kana qoto dheer Xisbiyo Siyaasadeed oo ku salaysan Qabiil iyo Reer-Habar-heblaayo la-isugu habar-wacdo iyo aafo ummadda la kala dhex dhigo. Hadafka iyo himilada Siyaasadeed ee haga Xisbi Siyaasi ahi ka qoto dheer Cadho ururtay, Aargoosi-siyaasadeed iyo in xumaan laga dhex abuuro Bulsho nabad iyo samo ku midowday. Siyaasadda ku salaysan tar-tanka dimuqraadiga ah iyo habka Xisbiyada badani, ka qoto dheer in Qubuuraha dib loogu noqdo oo qaybo bulshada ka mid ah lagu guubaabiyo inay dib ugu noqdaan Astaanta Dib u dhaca iyo Dararta baahida (ku dhaqanka Qabiilka iyo maan-dooriyaha Reer-hebelnimada). Macnaha iyo Milgaha Axsaab Siyaasadeed oo Qaran ka qoto dheer cay, cambaarayn iyo ku xad-gudubka cirdiga iyo sharafta hoggaanka dalka oo had iyo jeer warbaahinta lala horfadhiyo.

 

1.  Hanashada Quluubta iyo Maanka Cod-bixiyeyaasha:

Xisbiyada Mucaaridka waxa looga fadhiyaa inay la yimaadaan aragti iyo fikir siyaasadeed oo ku salaysan wax toosin iyo wax dhisid, balse aan ahayn wax dumin. Waxa looga fadhiyaa inay la yimaadaan aragti iyo fikir siyaasadeed oo aan ahayn wax-iska-dheh balse ku salaysan xaqa iyo runta oo loo hiiliyo isla markaana xumaanta, xaqdarrada iyo dulmigaba la diido. Waxa looga fadhiyaa inay la yimaadaan aragti iyo fikir siyaasadeed oo ku salaysan bulshada oo la mideeyo balse aan ahayn bulshada oo la iska horkeeno iyo dhaleecayn aan sal iyo raad toona lahayn oo mar walba warbaahinta lala horfadhiyo. Waxa looga fadhiyaa inay la yimaaddaan aragti iyo fikir siyaasadeed oo ku salaysan waddannimo iyo dal jacay dhab ah, ummaddana u horseedi kara isbeddel dhab ah oo hanka iyo himilada bulshada kobciya.

 

Hanashada Quluubta iyo Maanka cod-bixiyeyaashu waxay u baahan tahay farsamo Siyaasadeed oo mug iyo miisaanba leh. Waxa loo tar-tamayaa waa kalsoonida iyo taageerada shacbiga JSL. Kasbasha kalsoonida shacbigu waa arrin aad u qiimo badan oo lagama maarmaan u ah himilada iyo hiigsiga siyaasadeed ee ay leeyihiin Xisbiyada u tartamaya hanashada Hoggaanka Dalka. Haddaba, waxa si cad u muuqata in Xisbiyada Mucaaridku ay iyaga laftoodu carqalad ku yihiin horumarka iyo wax-qabadka ay Xukuumadda hadda talada haysaa ku tallaabsato, waxay mar walba u tafo-xaydan yihiin in tallaabo kasta oo xagga wanaagsan loo qaadoba ummadda si qaldan loogu tarjumo, si shacbiga iyo Xukuumadda la iskaga horkeeno. Hab-dhaqanka noocan ah waxa uu keliya sii fogaynayaa taageerada cod-bixiyeyaasha oo ah kuwa ay ku xidhantahay guusha iyo guul-darrada Xisbi kasta.

 

  1. 2.    Ninkii Kursiga Maaggani, Kama Maago Masraxa Doorashada!

Siyaasadda Xisbiyada Mucaaridku waa mid ka madhan Caqligii iyo Aqoontii hagi lahaa. Waxa Halbeeg iyo Min-qiyaasba u ah caadifad, qabyaalad, nacayb qabiil iyo mid shakhsiyadeed, gobolaysi iyo takoor-bulsho, fidmo iyo xaalad-abuur joogto ah oo Bulshada laga dhex wado. Sifaha iyo san-saanka ka muuqda Xisbiyada Mucaaridku waa kuwo aan marnaba u tudhayn, isla markaana aan sinaba ugu adeegayn danta guud ee Ummadda, maadaama mudnaanta iyo muhimadda koowaad ee Xisbiyada Mucaaridku aanay ku salaysnayn ta danta Dalka iyo Dadka midnaba, balse keliya ay ka fikirayaan dan shaqsi ama dan ah sidii Reer-Habar-Heblaayo ay maruun hoggaanka dalka u hantiyi lahaayeen.

 

Maxay codbixiyeyaashu ka fili karaan marka ay si cad u arkaan in Xisbiyo Qaran oo haysta Dammaanadda Dastuurka Qaranku ay isu dhiibeen Kooxo ku bahoobay Madal-Cadhaysan oo Qayrul-Sharci ah? Miyaanay arrintani marag iyo markhaati cadba u ahayn awood darrada, aragti-gaabnida iyo jaahwareerka haysta Hoggaannada iyo Murashaxiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee weliba sidaa u hanqal taagaya hanashada hoggaanka dalka? Ma kula tahay in codbixiyeyaashu ay Masiirka Ummadda iyo Mustaqbalka Dalkaba ku aamini karaan Xisbiyo Mucaarid oo haysta awood Sharci, Distoorkuna u jideeyay inay Xukuumadda la-xisaabtan iyo daba-galba ku sameeyaan, balse iyagii is-dhiibay oo ogolaaday in la maamulo markay is maamuli kari waayeen! Miyaanu macnahoodii oo dhammi isugu-biyo-shuban inay hoos tageen Madasha Tafa-raaruqa iyo Kala-takoorka Bulshada??!!

 

Hab-dhaqanka qallafsan ee Xisbiyada Mucaaridka ka muuqdaa maaha mid u tudhaya halka ay danta guud ee ummadda iyo Maslaxadda Qarankuba ku jiraan. Waxa nasiib-darro weyn ah in Hoggaanka iyo saraakiisha sar-sare ee Xisbiyada Mucaaridka aanay ahayn kuwo garan kara, ku beraarugsan amaba miisaami kara muhimadda iyo miisaanka uu leeyahay Xilka iyo masuuliyadda ay bulshada u hayaan. Maaha kuwo qiyaasi kara saamaynta ay hadalladoodu iyo doodahoodu ku yeelan karaan bulshada ay rabaan inay hoggaamiyaan ee ay codka ka doonayaan. Xisbiyada Mucaaridka waxaan leeyahay: “Ninkii Kursiga Maaggani, Kama Maago Masraxa Doorashada!” Doorashadu Xilligii loogu tala galay ayey dhacaysaa, balse idinkaan u diyaar ahayn oo ku ducaysanaya inay dib dhacdo.

 

3.  GABAGABO:

Way caddahay in Xisbiyada Mucaaridku ay Hamuum iyo u-hanqal-taagba u qabaan Kursiga iyo Hoggaanka dalka ugu sarreeya. Laakiin, Kursiga laguma hanan karo aflagaado iyo mucaaridnimo ku salaysan xaalad-abuur, qof ama qabiil nacayb, kala qaybin bulsho iyo ummadda oo la iska horkeeno. Hab-dhaqanka Xisbiyada Mucaaridku waa mid dhalin kara dareen aafo-bulsho. Xaaladda ay maanta marayaana waxaabad mooddaa in cadawga Jam. Somaliland aanu u baahnayn inuu sir-doon iyo basaasiin inoo soo dirto, waayo iyagaaba hawlahaa si fiican ugu qabta, oo si dadban iyo si toos ahba u gudbiya una fashiliya sir iyo xog kasta oo ay leeyihiin Qaranka iyo Ummadda Jam. Somaliland.

 

Xisbiyada Mucaaridku ha ogaadaan in Shacbiga JSL uu garaadkoodu ka koray in maalin walba koox dano gaar ah lihi ay shaadhka Qabiilka iyo ka Siyaasadda isu bed-bedelaan, Bulshadana ka dhex abuuraan jaah-wareer iyo waxyaabo aanay Shacbiga wax dan ahi ugu jirin. Bulshada JSL si weyn bay u arkaan ulana socdaan kooxaha mar walba dedaalka ugu jira inay Xukuumadda M/weyne Axmed Siilaanyo xagal-daaciyaan oo wax-qabadka iyo horumarka ay Xukuumaddiisu ku tallabsato shacbiga ugu macneeyaan guul-darro iyo dib-u-dhac dadka iyo dalkaba ku habsaday.

 

Guntii iyo gebagabadii, Bulshada JSL ee nabadda iyo horumarkaba jeceli si weyn bay u ogyihiin ugana dheregsan yihiin sifaha iyo san-saanka qallocan ee ka muuqda Xisbiyada Mucaaridka ah kuwaasoo haatan isugu biyo shubtay Siyaasiyiin ku Saaqiday oo ku Guuldarraystay Macnaha iyo Martabaha ay Siyaasaddu leedahay iyo kooxo isu haysta idheer-garad, balse dhab ahaantii u badan  indhow-garad uu garaadkoodii noqday Qabyaalad iyo Annagoo Reer-Habar-Heblaayo ah. Tubta ay haatan hayaan Xisbiyada Mucaaridku maaha mid marnaba u horseedaysa inay ku gaadhaan hadafka iyo yoolka-kursi-doon ee ay leeyihiin, waxayna khayaamo iyo ballan-furba ku tahay bulsho-weyntii Xisbiyada Mucaaridka codkooda ugu deeqay.

 

 

 

Jam. Somaliland HA NOOLAATO

 

Allaa Mahad iyo Mudnaanba leh, 

 

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Birmingham, UK|