Wasaaradaha arrimaha gudaha iyo hawlaha guud oo si wadajir ah u daah furay mashruuca qaabaynta magaalooyinka Somaliland.
Posted by abdi on August 17 2014 22:56:05

Waasaradaha Arrimaha Gudaha iyo Hawlaha Guud iyo Guriyayta ayaa si wada jir ah u daah furay Mashruuc qaabaynta Magaalooyinka.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Waasaradaha Arrimaha Gudaha iyo Hawlaha Guud iyo Guriyayta ayaa si wada jir ah u daah furay Mashruuc qaabaynta Magaalooyinka.


waa weyne ee Somaliland kaasi oo afka qalaad loo yaqaano Master plan waxaanna Mashruucani Lagu Bilaabi doonaa Magaaladda Berbera ee Caasimadda Gobolka Saaxil.

Wasiirka hawlaha Guud iyo Guriyaynta Mudane Cabdirisaaq Khaliif Ahmed iyo Agaasimaha guud ee waasarradda Arrimaha Gudaha Cabdisamed Cumar Mahdi isla Markaasna ay Wehelinayeen Guddoomiyaha Gobolka Saaxil mudane Fahmi Cabdi Bidaar ,Guddoomiyaha Degmadda Berbera Cabdishashuur Maxamud cidin ayaa ku dhawaaqay Mashruucani oo laga fulinayo Caasimadda Gobolka saaxil ee Berbera.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdisamed Cumar Mahdi oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inu Mashruucani uu wax weyn ka Tarayo dhismaha guud Magaalooyinka waxanna uu ku amaanay dowladda hoose ee degmadda Berbera oo Mashruucani fulinaysa inay tahay magaaladdii ugu horeysay ee ku dhaqaaqday horumarkani.

Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guriyaynta ayaa siddoo kale ka Sheekeeyay marxaladihii Kala Duwanaa ee uu soo Maray Mashruucani waxanna uu sheegay “ muddo hadda afar bilood laga joogo ayay barnaamujkan soo bandhigeen oo codsigu ka yidhi degmada iyo Wasaaradda arrimaha gudaha” wasiirka oo hadalkiisii sii wata kala hadlaya ujeeda mashruucani ayaa waxaa hadaladiis ka mid ahaa “ wuxuu kala saarayaa deegaankii iyo dantii guud,danta guud ha kala duwanaato noocay doonto ha noqoto” ayuu yidhi Cabdirisaaq Khaliif

Maayirka Degmadda Berbera oo Isagunna Halkaasi ka Hadlay ayaa sheegay in Mashruucani Faa,iido Balaadhan usoo kordhinayay magaaladda Berbera iyo Guud ahaanba Gobolka Saaxil.

 

HargeysaOnline.Net