Madaxweyne Siilaanyo Oo Gaadhay Magaaladda Boorama.
Posted by abdi on August 17 2014 23:03:45

Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamud siilaanyo oo saaka Ka Jarmaaday Magaaladda Hargeysa ayaa Gaadhay Caasimadda Gobolka Awdal ee Saaxil halkaasi.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamud siilaanyo oo saaka Ka Jarmaaday Magaaladda Hargeysa ayaa Gaadhay Caasimadda Gobolka Awdal ee Saaxil halkaasi.


oo Madaxweynuhu kagaga qayb Galayo Qalinjabinta Ardayda Jamacadda Camuud.

Madaxweynaha Somaliland oo ay Weftigiisa Ku wehelinayaan Qaarka Mid ah Golaha wasiiradda ee Somaliland ayaa waxa uu isla maantaba Ka qayb Galay Xafladda Qalin jabinta .

Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Khudbad ka jeediyay Qalinjabinta Maanta isagoo u Mahadceliyay Madaxda Jaamacadda Camuud una Hambalyeeyay Ardayda Maanta Ka Qalin Jabiyay jaamacadda Camuud.

Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof Saleban Ahmed Guuleed ayaa siddoo kale u hambalyeeyay Ardayda waxaanna uu siddoo Kale Ka Xogmaray Taariikhdii Jamacadda Camuud iyo Hiigsiga Cusub ee Jaamacadda Camuud.

 

HargeysaOnline.Net