C/raxmaan Cirro oo arday Soomaaliyeed kala qayb-galay xaflad Qalin-jabin.
Posted by abdi on August 17 2014 23:13:01

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi cciro ayaa magaalada Addis Ababa.


Extended News

Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadani C/raxmaan Maxamed C/laahi cciro ayaa magaalada Addis Ababa uga qayb-galay munaasabad qalin jabin ahayd oo ka dhacday hoolka shirarka Midowga Afrika ,taasi oo madax kala duwan ay soo xaadireen.

 

 

Waxaa xafladdan ku qalin-jabinayay arday Soomaaliyeed oo qaybo badan isugu jiray ,kuwaasi oo qaarkood ka kala yimid gobollo kala duwan oo Soomaaliya ah ,iyadoo ardayda qalin jabisay ay ku jireen kuwa ka soo jeeda maamulka Somaliland. "Waxa farxad noo ah in aannu idin kala soo qayb-galno xafladdan lagu qabannayo xarunta Midowga Afrika oo ah meesha laga soo saaro go’aamada dalalka Afrika,waana idiin kugu hambalyaynayaa guusha aad ka gaarteen waxbarashada"ayuu yiri Cirro oo la hadlayay ardaydan oo qaar kamid ah ay ajaanib ahaayeen. Tirada ardayda Soomaalida ah oo kor u dhaafaysay 80 arday ayaa ka baxay jaamacadda New Generation ee Addis Ababa ,waxaana ay dhamaysteen kuliyadaha kala ah ,Global Studies and International Relations,Bussiness Adminstaration,Computer Science,Human Resource Management iyo waliba Accounting. Madaxawaynaha Jaamacaddaha New Generation Prof. Matiyus Gijili oo la hadlay ardayda ayaa ka codsaday in cilmiga ay barteen ay dib ugula laabtaan dalalkii ay ka yimaadeen ,isagoo oo xusay in Somaliya iyo Itoobiya uu ka dhaxeeyo xiriir wanagsan oo dhanka waxbarashada ah. "Dareenkayga halkan kuma cabirri karo runtii aad ayaan ugu faraxsanahay inaan kamid ahay ardayda maanta goobtan taariikhiga ah ku qalin jabiyay "ayuu yiri Fahad Jamac oo kamid ahaa ardayda reer Puntland ee iyagana qalin-jabiyay ,kuwaasi oo qayb muhiim ah ka ahaa ardaydan. Ugu danbayn, wasiirka beeraha iyo dalxiisa Itoobiya Amin Abdul-kadir ayaa goobta ka sheegay in uu hambalyeynayo ardayda dhamaystay jaamacadda NGUC ,isaga oo u mahad-celiyay maamulka jaamacadda iyo waalidiinta ardaydii dhamaystay waxbarashada,waxaana dufacdan ay noqonaysaa tii labaad oo ku qalin jabisa hoolka shirarka ee African Union.

HargeysaOnline.Net