Nicholas Kay & Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ku kulmay.
Posted by abdi on August 17 2014 23:19:32

Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.


Extended News

 

Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay, ayaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.Dan-jire kay ayaa xarunta madaxtooyada kula kulmay Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cal iGaas oo ay arrimo badan oo muhiim ah isla soo qaadeen.Markii uu kulankoodu soo idlaaday ayey si wadajir ah labada mas'uul warbaahinta shir-jaraa'id ugu qabteen. Madaxweyne Gaas oo hadalka ku horreeyey ayaa xusay in arrimaha ay isaga Nicholas Kay isla gorfeeyeen ay kamid ahaayeen. Xiriirka ka dhexeeya Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Maamulka Puntland. Xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland oo xilligan aan wanaagsanayn. Qaabka loo wajahayo doorashada madaxtinimada ee lagu wado inay soomaaliya ka qabsoomto sanadka 2016 iyo arrimo kale. Ergeyga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Somalia, Nicholas Kay ayaa isna sheegay in arrimaha uu Madaxweyne C/weli Gaas kala hadlay ay kamid ahayd dib usoo celinta xiriirka ka dhexeeya Dowladda Federaalka iyo iyo Maamulka Puntland, arrintaas oo sida uu tilmaamay ah mid aad muhiim u ah."Wadahadal kadib waxaan rajaynayaa in xiriirka Dowladda Puntland iyo Fadaralka uu si tartiib tartiib ah usoo hagaagayo, aniguna waxaan ku dadaalayaa in wax kasta oo suurtagal ah xiriirkaasina kusoo noqon karo aan ku dadaalo" ayuu yiri.Danjire Kay ayaa lagu wadaa in maalinta berri ah oo magaalada Garoowe kula kulmo madaxda dhaqanka ee Puntland oo iyagu kamid ah qaybaha ugu muhiimsan bulshada.

HargeysaOnline.Net