Al-shabaab oo Muqdisho ku dilay laba qof sadex kalena dhaawacay.
Posted by ifraax on August 20 2014 17:23:25

Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa ku dilay degmada Wardhiigley laba qof oo xirnaa dharka shacabka, laakiinse ay ku sheegtay Al-shabaab.


Extended News

Xoogag taabacsan Al-shabaab ayaa ku dilay degmada Wardhiigley laba qof oo xirnaa dharka shacabka, laakiinse ay ku sheegtay Al-shabaab inay ahaayeen saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dilka oo ka dhacay agagaarka isgoyska Siinaay ee degmada Wardhiigley xilli gabal-dhacii shalay ah ayaa waxaa lagu dilay laba qof oo isla socday, iyadoo ay ku dhaawacmeen xabbadihii labadaas qof lagu dilayay saddex qof oo ka mid ahaa shacabkii halkaas ku sugnaa.

Al-shabaab oo durba ka hadshay dilka labadan qof ayaa sheegtay inuu mid ka mid ah ahaa sarkaal ka tirsan booliiska Soomaaliya oo magaciisa ay ku sheegeen, Cabdullaahi Cali, inkastoo aysan weli xukuumaddu ka hadlin arrintan.

“Ciidamadeenna ka howlgala Muqdisho waxay toogteen sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliiska, waxayna sidoo kale dileen laba askari oo ilaalo u ahaa,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Al-shabaab.

Sidoo kale, Al-shabaab ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan dilalka ay ku ugaarsanayaan saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya iyo shacabka u shaqeeya dowladda, iyadoo tani ay kusoo beegmayso xilli amniga Muqdisho uu soo hagaagayo.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in dilkan ay geysteen dhowr qof oo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasoo toogashada kaddib goobta ka baxsaday, waxayna intaas ku dareen in labada qof ee la dilay ay xirnaayeen dhar shacab.

Dilka kaddib ayaa waxaa goobta gaaray ciidammo ka tirsan nabadsugidda iyo booliiska dowladda Soomaaliya, kuwaasoo baaritaanno ay halkaas ka sameeyeen kusoo qab-qabtay dhowr qof oo ay uga shakiyeen inay dilkan xiriir la leeyihiin.

Xarakada Al-shabaab oo bishii Ramadaan ee lasoo dhaafay weerarro iyo qaraxyo ay dad badan ku dhinteen ka fulisay Muqdisho ayaa hadda waxay u muuqdaan weerarradaas inay sii yaraanayaan.

Toogashada saraakiishan ayaa imaanaysa xilli wasaaradda Amniga Qaranka ay sheegtay inay xoojinayso sugidda ammaanka Muqdisho, iyadoo howlgallo ay sameysay ku qabqabtay dad badan iyo hub lagu haystay magaalada.

HargeysaOnline.Net