Ciidanka Qaranka oo baabi’iyey qayb ka mid ah Dayrka Madaarka Hargeysa.
Posted by ifraax on August 23 2014 22:19:13

Saraakiisha ugu saraysa Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa doraad galinkii danbe amar ku siiyey ciidankooda degan madaarka Hargeysa in ay burburiyaan kaabadaha iyo Taarka wasaaradda Duulistu.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Saraakiisha ugu saraysa Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa doraad galinkii danbe amar ku siiyey ciidankooda degan madaarka Hargeysa in ay burburiyaan kaabadaha iyo Taarka wasaaradda Duulistu ku xidhay goobaha ay ka degan yihiin madaarka Hargeysa.
Amarkan oo ka dhashay ismaandhaaf u dhaxeeya saraakiisha Ciidanka iyo Masuuliyiinta wasaaradda Duulista ayaa salka ku haya Ciidamadda oo doonaya in wasaaraddu Dayrto qiyaas ay sheegeen in uu ku egyahay Dhulka Madaarku, halka wasaaradda Duulistuna ku adkaysanayso Dhulka Madaarku in uu gaadhsiisan yahay halka ay dayrayaan.
Doodan u dhaxaysa labada dhinac ayaa markii ay dhamaan weyday waxay ku talaabsadeen Askarta degan Madaarku in ay fuliyaan Amarka saraakiishooda, iyagoo dhulka la simay Tiirarkii ay wasaaraddu u taagtay inay Taarka ku xidho iyo kaabadihii haynayey oo dhan.
Askartu waxa kale oo ay shaqo joojin ku sameeyeen shaqaalihii dhisayey Dayrka madaarka, iyagoo ku kala kaxeeyey Xoog iyo qori caaraddii, waxaanay u sheegeen in aanay dhisi Karin dayrka lagu wareejinayo madaarka illaa go’aan laga gaadho khilaafka ka taagan.
Ilo wareedyo muhiim ah oo la socday dhacdadan ayaa Farriinnews.com u sheegay in arroornimadii ay kulmeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Qaranka iyo Wasiirka wasaaradda Duulista Maxamuud Xaashi, kuwaas oo isku af-garan waayey xalinta khilaafka u dhaxeeya oo midiba ku adkaystay aragtidiisa ku wajahan xuduudka Madaarka Hargeysi leeyahay.
Galabnimadii khamiiseed ee ay Ciidanku burburiyeen Tiirarkii iyo kaabadihii la dhisay ayaa waxa madaarka ka soo dagay wasiirka wasaaradda Gaashaandhiga Axmed X Cali Cadami, kaasoo ay isla markiiba wasiir Maxamuud Xaashi kulmeen, iyagoo si wadajir ah usoo kormeeray Kaabadaha ay Dumiyeen Ciidanku.
Warku waxa uu intaas ku darayaa in ay labada Wasiirba u kaceen dhinaca Madaxtooyadda si ay ugu gudbiyaan khilaafka taagan isla markaana xal looga gaadho, maadaama khilaafka labada dhinac dhex yaalaa yahay mid culus oo u baahan in xal Qaran laga gaadho.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa hore amar ugu bixiyey in la dayro madaarka isla markaana loo sameeyo Xayndaab adag oo suga amaanka madaaarka, kadib markii shirkadda Duulimaadyada Itoobiya Airline ay joojisay isticmaalka madaaraka, iyadoo sabab uga dhigtay Dayr la’aantiisa.
Ciidanka Qaranka ayaa madaarka Hargeysa ka degan saddex wajahadood oo ay ka ilaaliyaan Amaanka Madaarka, waxaanay ku doodayaan in Xeryahooda laga weeciyo Deyrka.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.