Madaxweynaha Oo Go’aan Ka Soo Saaray Murankii Labada Beelood.
Posted by ifraax on August 23 2014 22:25:28

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa laalay go’aankii Ay Guddi Wasiiro ah dhawaan ka soo saareen murankii dhul ee u dhaxeeyay laba beelood oo wada dega.


Extended News

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa laalay go’aankii Ay Guddi Wasiiro ah dhawaan ka soo saareen murankii dhul ee u dhaxeeyay laba beelood oo wada dega Tuulada Baliga Diiriye Guuleed.

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isagu kulan fool ka fool ah la yeeshay Wafti uu hogaaminayay Suldaanka Guud ee Beelaha Cabdale Arab Suldaan Maxamed Ismaaciil Jaamac Fool Gaawe isla markaana ay xubno ka ahaayeen odayaal iyo masuuliyiin Beelaha Arab ugu jira xukuumadda ayaa waxa si aad ah loogu lafo guray deegaanka iyo sida ay beelaha Cabdale Arab u lahaa jireen.

Madaxweynaha ayaa waxa ay ku hoga tusaaleeyeen in muranka dhulka ee deegaankaasi uu bilawday oo keliya intii uu Somaliland maamulkeeda hayay Madsaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo oo ay dhinaciisa wehelinayeen xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada ayaa ka garaabay in xukunkii degdega ahaa ee ay Xubno Wasiiro ahi ka soo saareen Muranka dhulkaasi uu ahaa mid aan ku filayn xallinta khilaafka labada Beelood isla markaana uu hortooda ka balanqaaday in uu laalay xukunkaasi gudi miisaan culusna uu u saari doono sidii looga gar naqi lahaa muranka deegaankaasi.

Khilaafka labada Beeleed ee Habarjeclo iyo Cabdale Arab ee Lahaanshaha Baliga Diiriye Guuleed ayaa waxa uu keenay dagaal ka qarxay deegaankaasi, kaas oo ay ku dhaawacmeen inta la og yahay ilaa afar qof.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.