Duqa Magaalada Hargeysa oo Soo Dhaweeyay Maayarka Jabuuti.
Posted by ifraax on August 23 2014 23:18:42

Maayarka Hargeysa, C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, ayaa shalay magaalada Hargeysa ku soo dhoweeyey dhigiisa magaaladda Jabuuti Xuseen Cabdilaahi.


Extended News

Maayarka Hargeysa, C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, ayaa shalay magaalada Hargeysa ku soo dhoweeyey dhigiisa magaaladda Jabuuti Xuseen Cabdilaahi.

Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco iyo xubno ka tirsan wasiiradda ayaa madaarka Hargeysa ku soo dhoweeyey maayarka Jabuuti oo hogaaminaya wefti ay ku jireen fanaaniinta hidaha iyo dhaqanka Canfarta Jabuuti.



Maayarka caasimada Hargeysa oo qolka nasashadda warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay inay casuumad rasmi ah u fidiyeen maayarka Jabuuti si uu uga soo qaybgallo carwo caalami ah oo lagu qaban doonno magaaladda Hargeysa, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “Aad ayaan uga mahad celinayaa maayarka Djabouti iyo ku xigeenka sidii ay u ajiibeen inay ka qayb galaan carwadan, socodkani waa kii labaad, waxaana hore u jirtay inaanu anagu hore u booqanay magaalada Djabouti halkaas oo aanu is fahan ka gaadhnay sida ay labadda magaallo u wada shaqayn lahaayeen, waxaanu socdaalkani ku beegan yahay carwada ganacsi ee la qaban doono oo ay ka soo qayb gali doonaan wadamada jaarka ah oo ay Djabouti ugu horaysay, Yemeni ku xigto, waxaanan leeyahay waad ku mahadsan tihiin inaad soo ajiibteen codsigayagii.”

Sidoo kale, Maayarka Djabouti Xuseen Cabdilaahi ayaa ka mahadceliyey soo dhoweynta diiran ee loo sameeyey iyo casuumadda uu maayarku u fidiyey, waxaanu yidhi “Waxaanu halkan ku nimid marti qaad aanu ka helnay maayarka caasimada Hargeysa, si aanu uga qayb galno xaflada bandhig carweedka lagu qabanayo Hargeysa, aniga iyo waftiga aan hogaaminayo oo iskugu jira koox hido iyo dhaqan ah iyo maal qabeeno reer Djabouit ah, waxaanan aad ugu mahad celinaynaa xukuumadda Somaliland, Maayarka caasimada iyo shacabka waxaanan leeyahay dadkii idiinku dhawaa ee jaarka ah ayaanu nahay, Anaguna haddii aanu carwo qabanayno mudnaanta koowaad waxa yeelanaya dadka reer Somaliland taasina waa balan.”

Weftigan waxa la socday kooxo fanaaniin ah iyo kooxo hidaha dhaqanka Jabuuti, kuwaas oo sheegay inay ku faraxsan yihiin inay soo socdaal ku yimaadaan magaaladda Hargeysa

2014823635443703821855576mayarka20hargeysa20oo20soo20dhoweeyey20maayirka20jabuuti.jpg

2014823635443703972750505sam_3665.jpg

2014823635443704257454510sam_3682.jpg

2014823635443704897574580sam_3693.jpg

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.