Gacan ku dhiigleyashii dilay Wariye Timacade lasoo bandhigay.
Posted by ifraax on August 27 2014 11:06:23

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku riday labo dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyay dilka Wariye Maxamed Maxamuud Timacade iyo Cawil Xasan Maxamuud oo ka tirsanaa ciidamada dowladda.


Extended News

 

 

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo xukun dil ah ku riday labo dhalinyaro ah oo lagu soo eedeeyay dilka Wariye Maxamed Maxamuud Timacade iyo Cawil Xasan Maxamuud oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa waxay qirteen eedeymaha loo soo jeediyay.
Muuqaalka labadan dhalinyaro oo lagu kala magacaabo Cali Bashiir Cismaan iyo C/laahi Shariif Cismaan ayaa waxay maxkamadda horteeda ka caddeeyeen inay geysteen dilalka labadaasi marxuum, isla markaana qorsheynayaan dilal kale.
Waxay Maxkamadda sidoo kale xabsi Lix bil ku xukuntay Aabe Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cusmaan Cali Maalin oo dhalay Daahir Cusmaan oo horay maxkamadda dil toogasho ku xukuntay wiilkiisa. Waxaana lagu soo eedeeyay Aabahan inuu dayacay ilaalinta wiilkiisa oo ku biiray al-Shabaab.

Halkan ka daawo.

 

HargeysaOnline.Net