11 xildhinaan oo Maayarka Buuhoodle kalsoonidii kala noqday.
Posted by ifraax on August 28 2014 20:28:21

11 Xidhibaanoo ka Tirsan Golaha degaan Degmada Buuhoodle ayaa qoraal ku sheegay Kalsoonidii kala noqday  Maayarka Degmada Buuhoodle Cismaan Yuusuf  oo inta badan ku sugan Magaalada Hargaysa.


Extended News

11 Xidhibaanoo ka Tirsan Golaha degaan Degmada Buuhoodle ayaa qoraal ku sheegay Kalsoonidii kala noqday  Maayarka Degmada Buuhoodle Cismaan Yuusuf  oo inta badan ku sugan Magaalada Hargaysa sidoo kale Xildhibaanda ayaa ku Tilamaamay inuu  ka cago jiiday sidii  uu degmada maamulkeeda u dhaqaajin lahaa maadaama oo ay jiraan magaalooyin aan buuhoodle ahayn oo uu maamulka degmada iyo ka Gobolkuba degi karo taasoo dhirbaaxo ku noqonlahayd Maamulka khaatumo iyo Puntiland marhadii uu degaankaas ka dhaqaaqo maamul shaqaynaya,Maayarka ayay dhawr jeer xildhibaanada Golaha degaanka Buuhoodle kala hadleen inuu maamulka dhaqaajiyo,laakiin uu ka cago jiiday,sidoo kale maayarka ayaa laba gaadhi oo degmadaas la siiyay aanay farahiisa ku jirin sida ay ku eedeeyeen xildhibaanada Golahaasi,
Waraaqdan oo ay xildhibaanadaasi gacanta ka galiyeen wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha isla markaana aanu nuqul ka mid a helay ayay ku sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen,maadaama uu kalfadhigii diiday.Xildhibaanada ayaa ku eedeyay,inuu jabiyay Xeerka dawladaha hoose,Qodbada sheegaya”hadii uu maayarku galo kala qaybin Golaha degaanka”Qabsho la,aan kalfadhiga Golaha degaanka” Lunsi hanti umadeed oo maguurto ah sida gawaadhi iyo waliba inuu lunsaday Mucaawimooyinkii Degaanka degmada Buuhoodle.
Yuusuf C/laahi dhegoole oo ah xildhibaan ku sugan degmada Buhoodle ayaa isna sidoo kale maayarka eedaynaya waxa uu yidhi”Degmada Buuhoodle Carqalad baa haysata oo waa maayarka,Xildhibaandii reeruu ku sheegay waad ogtihiin oo hadii buuhoodle aan maamulka la gayn karin,Magaalooyin kale ayaa jira oo laga dhaqaajinlahaa oo xafiisyada laga furan lahaa isagaa diidan,gaadiidkii Degmadu lahayd Iskarogadii Taliyaha Asluubtaa xiirane ayaa laga iibiyay gaadhigii susukida ahayd qori ayaa saaran oo khaatumo ayaa lag iibiyay,raashikii Turkiga 2500 oo qorilugud ah mooyaane wixii wuu ibiyay burcuu ku iibiyay
hadaba wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ayaan wali wax jawaab ah ka bixin qoraalka ay xildhibaanadu  u Gudbiyeen waxaana wali Gobolka iyo degmadaba ka jira dayac maamul iyadoo aan wali wax badhasaab ah loo magacaabin kadib markii badhasabkii hore Xariir  uu si casilay,waxaanay dadwayne badan oo reer Buhoodle ahi ku doodaan inaan wali markaliya loo magaacbin degaankaas cid maamulka degaankaas ka caabiyi karta maamulada kale ee sheeganaya.

 


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.