Dumarkii iyo Caruurtii oo bilaabay isticmaalka Qaadka Muqdisho.
Posted by ifraax on August 28 2014 20:42:19

Cunista Qaadka/Jaadka oo ahayd mid inta dadka badani aynan awoodi jirin in ay maalin walba cunaan ayaa hadda noqtay mid cidwalba ay awoodo in ay iibsato sida Caruurtii iyo haweenka.


Extended News

Cunista Qaadka/Jaadka oo ahayd mid inta dadka badani aynan awoodi jirin in ay maalin walba cunaan ayaa hadda noqtay mid cidwalba ay awoodo in ay iibsato sida Caruurtii iyo haweenka danyarta ah. Jaadkii ayaa hadda waxa uu isku badalay masiibo ku habsatay ummadda Soomaaliyeed. kadib markii Dowladda ingariiska ay wadankeeda ka mamnuucday Cunista qaadka ayaa waxa uu u soo wareegay Magaalooyinka ay ku noolyihiin Dadka Soomaalidda ah iyo Dalka Soomaaliya guud ahaan. Qiimaha qaadka Halkii Marduuf ayaa waxa uu Joogaa lacag u dhiganta $1 dollarka marykanka ah.