Madasha Kala-Tashiga oo ku Baaqday INQILAAB SHARCI!
Posted by ifraax on August 31 2014 08:29:14

Odayaasha isu-baahaystay Madasha Wada-Tashigu, in kastoo aanay haysan Awood Sharci iyo Cod Shacbi oo ay Maamul ama Gole-Xukumadeed ku soo dhisi karaan.


Extended News

 

1.       Gole Qayrul Distoori ah oo ku baaqay Xukuumad aan ku iman Codka Shacbiga

Odayaasha isu-baahaystay Madasha Wada-Tashigu, in kastoo aanay haysan Awood Sharci iyo Cod Shacbi oo ay Maamul ama Gole-Xukumadeed ku soo dhisi karaan, haddana waxay dhawaan ku baaqeen; haddii ay Doorshada Madaxweynennimadu ku qabsoomi weydo waqtigii loogu tala galay, inay 26-ka Juun 2015-ka soo dhisi doonaan maamul ay ku magacaabeen ‘Xukuumad-ku-meel gaadh ah oo loo-dhanyahay, taasoo bedeli doonta Xukuumadda hadda talada haysa.

 

Distoorka Qaranka JSL wuxuu si cad oo aan muran lahayn u qeexayaa Awoodaha iyo Masuuliyadaha Haya’adaha kala duwan ee Qaranka. Haddaba, marka Gole aan Qaynuun ahaan jirin oo baal-marsan Nidaamka sharci ee Dalka ka jira ay ICLAAMIYAAN inay dhisi doonaan Xukuumad aan ku iman Codka Shacbiga,  miyaanay taa macnaheedu ahayn in Odayaasha Madashu ay xaqirayaan Caqliga Suubban iyo Garashada Qumman ee Shacbiga JSL oo ay innagu leeyihiin: “Ma aqoonsanin Distoorka iyo Nidaamka Sharci ee Dalka ka jira ee aad Shacbiyahow u codayseen!! Ma aqoonsanin jiritaanka iyo Sharcinnimda Haya’adaha Distooriga ee dalka ka dhisan (Sida: Sharci Dejinta, Fulinta iyo Garsoorkaba)!!”Miyaanay taa macnaheedu ahayn in Odayaasha Madashu ay inna tusayaan heerka ay ka taagan yihiin Nidaamka dawladnimo ee soo jiray in ka badan 23 sano, iyaga laftooduna ay qayb ka ahaayeen!! Miyaan loo qaadan karin in Odayaasha Madashu ay ku BAAQEEN (iyagoo kaashanaya Xisbiyada Mucaaridka ah ee magac-u-yaalka ah) in ay INQILAAB SHARCI Dalka ka dhigi doonaan, kaasoo ay Taariikhdiisa u muddeeyeen  26.06.2015-ka!!??

 

Madasha Wada-Tashiga oo haatan isu bedeshay Madasha-Kala Tashiga iyo Tafa-raaruqa Bulshada JSL ee ay nimanka odayaashi isugu habar-wacdeen (fikir, muruq iyo maalba), ma aha Gole waafaqsan Nidaamka sharci ee Dalka ka jira. Waa Madal aan Qaynuun ahaan jirin, sidaa darteed dhawaaq kasta oo kasoo yeedha iyo talaabo kasta oo Siyaasadeed oo ay ku dhaqaaqaan waxay si weyn uga hor imanaysaa Sharciga iyo Distoorka Qaranka, kaasoo lagu ansixiyey Afti Dadweyne. Odayaasha Madashu haba yaraatee ma aqoonsana Nidaamka Sharci ee dalka ka jira, ma aqoonsana jiritaanka iyo Sharcinnimda Haya’adaha Distooriga ee dalka ka dhisan, ma aqoonsana Xisbiyada Siyaasadda ee Qaranka midkoodna; Muxaafid iyo Mucaarid kuu doono ha ahaadee.  In la sii eegto ficillada iyo dibin-daabyooyinka ay maleegayaanna waxay halis ku tahay jiritaanka qarannimada, nabad-gelyada iyo wada noolaanshaha bulshada.

Qof kasta oo leh Caqiido iyo Caqli celiya, wuxuu yaqiinsan yahay in Awoodda, Magaca iyo Mansabkaba uu ALLAH (sxwt) bixiyo, Amarkuna uu xagga RABBI ka yimaaddo. Distoorka iyo Shuruucda dalka ka jira iyo weliba Codka Shacbiga ayaa iyaguna muwaadinka magac, mansab iyo awood sharciba huwin kara ama u igman kara. Wixii intaa ka baxsani waa qardajeex, fawdo iyo xaalad qar-qoosh. Waxa wax aad looga xumaado ah in rag milge iyo maamuusba ummadda ku lahaan jiray ay hadh iyo habeenba xusul-duub ugu jiraan siday u heli lahaayeen Awood, Magac iyo Mansab aan Shuruucda Qaranku u jidaynin Shacbguna aanay u igmanin. Bal iyadba waa cibaaree, wuxuun baa odayaasha Madasha intaa ku leh: ‘Dalkii wuu baaba’ay, meel xun buu marayaaye ha loo gurmado!’ Wuxuun baa intaa odayaasha ku leh idinkaa ah Golaha keliya ee Saxda ah ama Xaqa ku taagan. Wuxuun baa odayaasha ku leh ma jirto cid kale oo dalka iyo dadkaba idiinka daacadsani ama idiinka lexe-jeclo badani, waana idinka kuwa keliya ee Qarankan bed-baadin karaa!!

 

Odayaasha Madashu waxay arkeen awood-darrada iyo aqoon la’aanta ka muuqata kuwii uu Distoorka Qaranku awoodda buuxda u siiyey Shacbiguna codkooda ugu deeqeen (Xisbiyada Mucaaridka ah)si ay u daba-galaan una toosiyaan gal-dalloolooyinka xagga maamulka ah ee Xukuumadda talada haysa. Odayaasha Madashu waxay arkeen aragti-gaabnida iyo kalsooni-darrada ka muuqata Xisbiyada Mucaaridka ah oo ah kuwii  loo doortay si ay Ummadda ugu hagaan hannaanka xisbiyada badan, hormoodna u noqdaan isu-dheelli-tirka Siyaasadda Qaranka. Arrintani waxay keentay in Odayaashu labada Xisbi Mucaarid ay midkoodna ku biiri waayaan, taa beddelkeedana ay go’aansadeen inay samaystaan Gole aan haysan awood Sharci iyo Cod Shacbi midnaba. Ujeedada dhabta ah ee ka dambaysa jiritaanka Madasha Kala-Tashiga iyo Tafa-raaruqa Bulshada iyo ajendaha ay leeyihiin Nimankan Odayaasha ah waxa lagu soo koobi karaa arrimahan soo socda:

 

 

2.      Tilmaamaha Taban ee Madasha-Kala Tashiga: 

Wax badan baynu maqalnay iyagoo Odayaasha Madashu leh: “Dalkii meel xun buu marayaa ee ha loo gurmado.” “Hayaay!!, Ka soo kacaaay!! Madaxweynihii la doortay dalka kama taliyo, dad kale oo dano gaar ah leh aayaa taladii dalka afduubay.”  Cay, Af-lagaado qaawan iyo shakhsi weerar aan loo meel dayeyn oo ku wajahan M/weynaha iyo qoyskiisa; sida: Madaxweynuhu waa Tuug!; “Ahmed Silaanyo Waa Fulay!”; “Ahmed Silaanyo Waa Abaal Gabe!!” “Berberi Dib-u-xorayn bay u baahantahay!!” Waa Hadallada Qaawan ee Maragga iyo Markhaatigaba loo hayo ee laga hayo Odayaasha ku bahoobay Madasha Kala-Tashiga iyo Tafa-raaruqa Bulshada.

 

Hadallada noocan ahi waxay meel ka dhac, maan-gad, milo-xumo iyo karaamo darrabo ku yihiin caqliga suuban iyo garashada feyow ee muwaadinka iyo weliba magaca, sharafta, wadajirka iyo dareenka ummadnimo ee mideeya bulshada samaha jecel ee Jam.Somaliland. Bulshada waxa ugu liita qofka Qariya, Xaqira, Dafira ama Iska-indhatira wixii wanaag iyo horumar ah ee dalka iyo danta guud ee bulshadiisaba u soo kordha. Horumar iyo wax qabad Ummaddoo dhammi wada arkayaan, in yar oo fikir qaldan ku midoobay ma qarin karaan.

 

Tilmaamaha Taban ee lagu yaqaanno Madasha-Kala Tashiga: 

a)    Iyagaa kelidood isla qumman, dadka kale dhammaantoodna way qaldan yihiin!

b)    Iyagaa kelidood wax yaqaana, dadka kale oo dhammina waa juhala!

c)     Wixii ay shalay wanaag u yaqaaneen, maanta waxay u yaqaannaan xumaan!

d)    Wixii ay shalay ammaani jireen, maanta way dhaleeceeyaan!

e)    Waxay ka horyimaaddaan ama ay ku mucaaridaan cid kasta oo talada iyo hoggaanka dalka qabata, kol ay tahay walaalahood ama saaxiibada ay isugu dhawaayeen !!

f)      Waa la col cid kastoo iyaga ka aragti duwan ama aan iyaga si wax ula arag!!

g)    Ma laha mada’ siyaasadeed oo muuqda, fikirkooda siyaasiga ahina waa mid jaah-wareersan oo aan meel loo raaco lahayn!!

h)    Waxay adeegsadaan Ereyo Xanaf leh oo laga dhadhansan karo caadifad qabiil, nacayb shakhsiyadeed iyo xumaan bulshada la kala dhex dhigayo.

i)       Waxay intaa sheegayaan dhib iyo dhalliilo badan oo jira, balse bulshada uma sheegaan siday iyagu wax u maarayn lahaayeen, halkuu xalku ku jiro iyo qaabkii dhibta lagaga bixi lahaa!!

j)      Wixii dhib ama dhalliil ah ee ay arkaan, si asluub iyo nasteexo leh uguma gudbiyaan ciddii ay khusaysayso, waxay adeegsadaan war-baahinta!!

k)    Ma qiraan wax kasta oo horumar ah oo Ummadda u soo kordha, mana bogaadiyaan guul kasta oo Qaranku ku tallaabsado kolay tahay guulaha ay gaadhaan Ciidamada Qalabka sidaa!

 

Jam. Somaliland HA NOOLAATO

 

Allaa Mahad iyo Mudnaanba leh, 

 

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) |Birmingham, UK|