Xubno ka tirsan Somaliland iyo QM oo kulan ku qaatay Nairobi.
Posted by xaaji on May 26 2011 19:00:45

News ImageDowlada Somaliland aya ka warbixisay kulan gaar ah oo ay dalka Kenya kula qaateen Xubno ka tirsan Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay kaasi oo looga hadlayay arimaha Somaliland.


Extended News

News ImageNairobi: Dowlada Somaliland aya ka warbixisay kulan gaar ah oo ay dalka Kenya kula qaateen Xubno ka tirsan Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay kaasi oo looga hadlayay arimaha Somaliland.

 

Wasiirka arimaha dibadda ee Mamaulka Somaliland Max’ed C/laahi Cumar oo waraysi  siiyay Saxaafada ayaa waxaa uu ka warbixiyay kulamo gaar ah oo uu la qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Ambassador Augustine Mahiga iyo Xoghayaha guud ee Jimciyadda Qurumaha ka dhaxaysa Mr. Banki-Moon kuwaasi oo ay ka wada hadleen arimaha Somaliland.

 

Wasiirka arimaha dibadda ee Somaliland ayaa waxaa uu sheegay in Mas’uuliyiintaasi ay kawada hadleen dhinacyada amaanka iyo Nabadgalyada Maamulkaasi, isagoo xusay in wax tar uu u lahaa kulankaasi Maamulka Somaliland.

 

Maxe’d C/laahi Cumar ayaa waxaa uu ugu baaqay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon iyo Wakiil gaar ah ee QM u qaabilsan arimaha Soomaaliya inay tixgaliyaan danaha Somaliland iyo sidii ay madaxbanaani u heli lahaayeen.

 

Dhinaca kale Wasiirka arimaha dibadda ee Mamaulka Somaliland Maxe’d C/laahi Cumar ayaa waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in Maamulkooda ay ka madaxbanaanaadaan Soomaaliya inteeda kale, wuxuuna ku cel celiyay in lagama maar maan ay tahay in Somaliland ay hesho Madaxbanaani.

 

Tan iyo markii ay ku dhawaaqay Maamulka Somaliland in uu ku ga’ay Soomaliya inteeda kale sanadkii 1991-dii ayaa wali Maamulkaasi waxaa uu naawilayaa in ictiraaf buuxa  ay ka helaan beesha Caalamka.

 

 

 

 


Qareen: Saciid Xaaji Cali Saciid..................Oslo,Norway

 


burcomann@hotmail.com