Sheeko Jaceyl ah oo ka dhacday suuqa magaalada Hargeysa.
Posted by ifraax on September 10 2014 10:43:14

Waa goor caweysin ah oo dhaxanyar oo qaboobi ka dhacaysay suuqa magaaldda hargeisa, taasi oo dadka wixiii dharculus sitay aanay dareemayn se ragga  shaadka khafiifka ah sita.


Extended News

Waa goor caweysin ah oo dhaxanyar oo qaboobi ka dhacaysay suuqa magaaldda hargeisa, taasi oo dadka wixiii dharculus sitay aanay dareemayn se ragga  shaadka khafiifka ah sita  iyo hablaha shalamdda quruxbadan sita ee laafyoonayaa kaliya ay dareemi karaan.cabaar markii ay dhaxntaasi igu dhacaysay se anaan dareemaynin sababta oo ah koob bun ah oo markaasi I horyaalay aawadeed iyo maskaxdayda oo sawiraysay muuqaalka quruxda adan, neecawda udgoon,horumarka baaxadda leh ee magaallad ka muuqda iyo sida hargeisi u tahay goob ku haboon in lagu noolaado oo lagu dhaqmo; ayaa waxa si kadis ah isoo garacy nimaanu saaxiib ahayn oo aanu waqtigaasi balansanayn se mawjadaha aan dhexmuquuranayay iyo riyooyinka macaan een dhamadka lahayn aawadeed waxaa mardambe kusoo baraarugay telefankaygii gacanta oo dhacaya iyo dadkoo midkastaa jeebadihhiisa gacmaha kula jirro oo uu modayo inuu kiisu dhacayo. Isla markii aan ku warhelayba waxa aan si dagdag ah uga jawaabay telefaankaasi ka yimid saaxiibkaanu balanta lahayn, kuye ‘saaxiib caawa arrimo jirra aawadeed ayaan kaaga baaqday ee waa inoo iyo habeen dambe iyo meeshaas waliba habeen dambe ku darso oo waa sanad guuradii kasoo wareegtay markaynu isbaranay sidaasi aawadeed waa inaan si adag u kulannaa iskana waraysanaa wixii muddadaasi aan isnaqaanay horumar iyo dib udhacba inagu imid, kalamaba raagin jawaabta ee si dagan oo dabacsan ayaan saaxiibkay ugu sheegay inaan aad iyo aad diyaar ugu ahay oo aan arrintaasi habeen dambe  kawada fadhiisan doono. waliba waxaan si kaftan ah ugu raaciyay saaxiib caawa waxoogaa dhaxan ah baa jirta waatayna somalidu odhan jirtay xilliyadda jirkan oo kale jirro ragguu seddex uunbay  noqdaane (lug,laan ama leg hay )ee hore ayaan uhoyanayaa si aan sariirtaydii diiranayd iyo barkintaydii  ciiltira ee wehelka ii ahayd aan ula jiifsato oon ga dugsaddo dhaxnta iyo cidladda isbarkan, intaasi kadib ahmed oo qoslaaya ayaa iigu jawaabay saaxiib sidaasaa inoo balanna; wana sax ee hore ugaadh sariirtii ilayn singlenimo ayaad intaasi ku so gaadhee( isaga oo waagaasi ka war qabay inaanan wax xidhiidh jacayla ah anan wadin oo muddooyinkii  dambeeyay aan kalinimo ku weynaaday).Islamarkii aan teleefanka dhigayba waxaan usoo holaday inaan usoo kaco dhankaasi iyo iistaanka basaska jig-jiga yar laga raaco si aan u qabsado bas oon u aado xaafadii iyo sariirtaydii ciiltira, magaaladda hargeisa oo aad u dhisantay, gawaadhiduna  soo buuxdhaafsheen iyo  waddo xummo baahsan oo isbarkan  ayaa intaan u sii socday  baska igu kaliftay inaan cabaar ku qaato wadooyinka jaamka ah iyo dadka buuxdhaafshay wadooyinka waydaarashadooda; waxaan kolba hudyar iyo laabyar ka soo leexdaba oon doctuuraba waxaan anoo naf la caarid ah soo gaadhay goobtii basaska jigjigyar laga raaci jiray oo dadyaw  u badan dhalinyaro iyo waayeel cuslaaday saf ugu jiraan baska racidiisa. waxaabad moodaysay tiiyoo xerooyinkii qoxoontiga ee kaakumo ama qabalayaddii itoobiya la joogo oo raashinka dhamaadka badan een la hubin inuu kusoo gaadhi doono kuyuu loogu jirro,  cabaar waxaan kolba hore usiqibo oon kolba  oday da’ah iyo islaan liicaysaba iska horaysiiyaba waxaan anoo naf la carida ood moodid inoo soo dhexjibaaxayay badweynta u dhaxaysa liibiya iyo talyaaniga aan soo koray baskii,  ood gudihiisa moodid in lasii baloodhaystayba oo qofba kursi xajisanayo.  tiiyood moodo inaanay meelnaba ka baanaayn ayaa waxay ishaydu si kadis ah ugu dhacday kursigii kaliyaata ee banaanaa kaasi oo ay fadhiday inan kali ahi, islamarkiiba kamaba neefin ee anoo neef tuuraya ayaan sidii gantaalka kusoo ag dhacay; cabaar markii aan fadhiyay een aan hafto baxay baskiina uu dhaqaaqay ayaa waxaan goor dambe ku warhelay iyadoo ileh “walalo lacagtaa is dhaafi oo taadana ku sii dar”.
Inta aan anood moodo inaan koomo kasoo baxay kor ufiirshay oon lacagtii ka qaaday anoo la amakaagsan hadal dabacsanaanteeda,daganaanteeda iyo codkeega yar eed moodo sidiiyoo uu kasoo baxaayo talaagad aan aad u qaboobin, ayaan islamarkiiba lacagtii  isa sii dhaafiyay intaan ku daray intaydii yarayd ee jeebadda iigu jirtay; cabaar waxaan sii soconba oon is agfadhino inantaasi tiiyood Imoodid inuugu igu furanyahay qaboojiye (AC), ayaa waxaa damac iga galay sidii aan inantani quruxda iyo qaayaha eebe ku galaday eed moodo xuural cayn janadii kasoo xagaa baxday ula kafatami lahaa si aan uhello albaab aan ku gallo iyo meel haasawuhu ka bilaabmo.Ayaa waxaan si kaftan ah ugu yidhi” inaader xoogweynidaa fadlan waxyar iga durug waan dhici rabaaye, intaasi markii afkayga kasoo dhamaatay ayaa inantii ood xishood iyo qajilaad waxaan u kala garan wayaay dusheeda qariyeen oo afka gacanta saaraysaa si yar oo hoose ah oo cod dabacsan wadata iguu tidhi walalo macaan raali ahaw haddaan ku cidhiidhiyay immikana soo durug. Islamarkii ay dhagahayga ku soo dhaceen erayaddaa naxariista iyo xiishoodka wata eed moodo inay kasoo burqanayaan iliilad ka midda ilaha biyaha neecawda  iyo macankaanka badan wata ee dubureed ayaan naxariis la qaboobay oon cirriyo dhul meel aan joogoba isgaran wayaay, inlayn baryahaasi dhagahaygu may maqal indhahayguna ma milicsan cod iyo qurux sidaasi isugu dheehan oo xishood weheliyo; cabaar waxaan isla maqnaadaba oon  riyo iyo mala awaal kale dhex mushaaxaba  anoo la yaaban qaabkan, quruxdan, qiimahan iyo sidan quman ee yartu u taalo cududaheegan buuxsamay, indhaheegan aad deeradda moodid ee xishoodku buuxshay iyo sanqaroorkeedan dhuuban eed moodo in warshad gaar ahi qortay( subxaanalah) ayaan waqti dambe  soo baraarugay anood moodo in baaldiyo biyo ah korkay lagu shubay oo dhidid iyo qoyaan anaan garanayn meel uu ka imid I hafiyeen, ayaan siyar oo dabacsan ood moodid in aan la hadlaayo amiir wadan ka taliya iyo madaxweyne kaligii taliye ah oo macangag ah ugu jawaabay inantii “indr dhib malaha gacal isma cidhiidhyo ee waad mahadsan tahay runtii qof yar oo la dhawroo la daawadaad tahee, ayaan waliba usii raaciyay inaadeer xageed usocotaa iyo jigjigyar baan u socdaa baa ay igu jawaab celis.cabaar waxaan sii wada hadalnoba anaga oo kala xishoonayna oo marna isleh malaha dadkaa ku arkaya, marna isleh waxani wax ka weyn eh ee ma majacaylkii la odhan jiray eegmaduu ku dhashaa baa ku haleelay ayaan waxaan  soo baraarugay anoo hoos u xashaashaqay oo ku muunsoonaya heestii ay ku luuqayn jirtay maryan mursal ciise bootaan ee odhan jirtay:Leebkii jacaylkoo lalayaa I haleelo.Laabta igaga yaalee,aaaaaaaax.Ladi waayay lama doodi waayayWaa mid igu lamaanoo, laabtayda jiifee.Cabaar waxaan islamaqanaado kolba markay kalmad naxariis leh igu tiraa, ayaa waxaa soo dhawaaaty meeshii  aan baska kaga hadhi rabay anoo hoostaasi ka hiifaya baska oo islahaa muu xumaadoba amaba banjarro waqti xogaah aad isu heshaane, marna canaanaya wadda iyo gaawaadhidii jaamka ka dhigi jirtay ee meel laga maro la waayi jiray oon leeyahay maanta ayaad u baahantahay wax waddada jaam ka dhigee ma marka loo baahdo ayay waddada faaruqiyaan misena dhan kale qaybtayda dhexe ee maskaxda ay igu amrayso inaan iska sii saarnaado baska ilaa iyo ay ka dagaysano oon mar  ladago jidkanna sii waddo marno.Haddaba waxaan kolba dhex muquurto mawjadahaa iyo hirarkaa iscelinaya,ayaa  waxa ay mardambe maskaxdayda la daala dhacaysa quruxda iyo xishoodka xuural caynta kursiga ila fadhidaa go‘aan ku gaadhay inay sheekadda intaa sii dhaafiyo oon telefankeega gacanta aan ka qorto; lamaba daahin ee anoo sidiiyo qori laygu hayo sheekaddii hore sii xoojinaya ayaa waxaan si dabacsanaan badani ka muuqato u waydiiyay inay sidato teleefan amaba ay leedahay meel lagala soo xidhiidho.Misena suaashaasi waxa ay  ahayd mid ay in badan iyadda lafteedu iswaydiinaysay se ay ka maaganayd  xishoodka inanimo iyo wanaageega dheeraadka ah ee tarbiyeed awadeed,  ayaa waxa ay si cod hoose oo xashaashaq ahi weheliyo iigu tiri “ aniga laftaydu waxaan ka xishood qabay inaan ku weydiiyo se kaygu waa 4xxxxxx.Islamarkii ay teleefanka 7diisa xaraf ii dhamaysay ayaa waxaa soo dhawaatay meeshaan baska kaga dagi rabay, markaasaan sidiiyood moodo in xabad laygu hayay layga qaaday aan ugu jawaabay walalo waad mahadsantahay, halkanna waan  ku dagayaa ee barasho wacan waanan kula soo hadli doonaa ee iga qabo.  Baskii baan joogsaday aniga oo xishood dhaqaaqayanna waan ka dagay, islamarkii aan ka dagay ayaa waxaan damcay inaan baska sii eego si aan ugu mahadnaqo, maadama oo uu ahaa sababihii ay kuraasidiisu sababeen inaan isbarano aniyo qalanjadan noloshayda kusoo biiri rabtay.Islamarkii aan milicsaday baskii oo iga sii dhaqaaqaya ayaa waxa ay ishaydu si lama filaan ah ugu dhacday numberkii gaadhiga, misenna waaba mucjiso tii ugu weynayd iyo numberkay ii qortay inantaan gaadhiga isu baranay iyo gaadhiga numberkiisu waa isu mid marka laga tago laba number ee u horeeya (furaha) numberka inanta.Intaasi kadib waan dhaqaaqay aniga oo is weydiinya qoftaad is barateen ma laylatul qadar bay ahayd iyo ramadaanba kuma jirnee sidee wax ujiraan?.Intaasi kadib anoo amakaagsan lana fajacsan ramadaan la’aanta, isubeegidda alle,quruxdeedii iyo dabcigeegii wanaagsanaa ayaan goobtii ka dhaqaaqay oon u holaday gurigayagii iyo sariirtaydii ciil tira; anoo isweydiinaya maxa isku beegay? Tani oo illa hadda noqtay su’aal u baahan in loo bad dhigo culimadda saadasha dhacdooyinka iyo aqrinta maskaxaha dadka ku takhakhustay….

 

W/Q: Mohamed cabdilaahi biihi.Addis-ababa, Ethopia --- medical student