Waxaan iska cafiyay Nin 22 sano ka hor Gabar iga dilay.
Posted by abdi on September 12 2014 08:43:54

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa sheegay inuu cafisyay nin 22-sano ka hor Muqdisho ku dilay gabar uu dhalay.


Extended News

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ayaa sheegay inuu cafisyay nin 22-sano ka hor Muqdisho ku dilay gabar uu dhalay.

Mudane Ameeriko ayaa sheegay in loo baahan yahay in dadku ay is-cafiyaan isla markaana la gaaro dib u heshiisiin rasmi ah, isagoo ku sheegay wareysi uu BBC-da siiyay in go’aankaas uu isagu qaatay.

“Maalin ayaa waxaa ii yimid nin anigoo fadhiya Baar Liido wuxuu ii sheegay inuu doonayo inuu arrin igala hadlo… waxaan ku iri soo fariiso… wuxuuna igu yiri muddo ayaan ku raadinayay… waxaan maqlay inuu aabbahaa dhintay… waxaan doonayaa inaad i cafiso… waayo aniga iyo koox malleeshioy ah ayaa 22 sano ka hor gurigiinna soo weerarnay waxaa weerarkaas ku dhimatay gabar aad dhashay… Marka waxaan doonayaa inaad i cafiso,” ayuu danjire Ameeriko yiri.

Danjiraha ayaa intaas ku daray. “Wuxuu igu yiri aniga waxaa ka mid ahaa burcaddaas gurigiinna soo weerartay, waxaa ka qaatay qayb lacagtii laga dhacay 12-milyan oo shillin Soomaali ah, inaan lacagtaas bixiyo ayaa rabaa marka shaqeeyo, adiguna aad i cafiso. Shan daqiiqo oo aamusnaan ahayd kaddib waxaa go’aansaday inaan cafiyo.”

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu sheegay in ninkan uu u sheegay in laba nin oo ka mid ahaa kooxihii malleeshiyada ah ay dileen gabadha, mid ka mid ahna la la’yahay, isagana uu aaday Sacuudi Carabiya, halkaasoo lagu xiray.

“Anigu waan iska cafiyay…  waxaa ku iri lacagtiina waan kuu cafiyay… adiga iyo Alle ayay idin jirtaa, wuxuuna iila muuqday nin dhibban,” ayuu hadalkiisa ku daray danjire Ameeriko, isagoo intaas raaciyay in gabadhu ay xilligaa aad u yarayd ayna ahayd midda ugu yar carruurtiisa, ayna ka weynaayeen laba wiil.

Tallaabadan ayaa waxay noqonaysaa mid ku dayasho mudan, maadaama uu danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko cafis u fidiyay nin 22-sano ka hor dilay gabar uu dhalay, kaddib markii koox uu ka tirsanaa ay weerareen gurigooda.

Hargeysa Online.