Baaq ku socda golaha baarlamaanka Somaliland.
Posted by abdi on September 12 2014 08:55:13

Afhayeenka qaarada yurub ee xisbiga wadani oo ugu baaqay goloha baarlamaanka inay madaxweynaha wax laga weydiiyo sharci jabenta xilkiisa.


Extended News

Dalku halgan dheer buu u soo maray madaxbanaanidiisa iyo nabad-ku-wada-noolaanshihiisaba, waxaana isaga dambeeyey oo ka qaybqaatay masuuliyiin badan oo midba meel soo gaadhsiiyey. Waxa ugu muhiimsan ee ina gaadhsiiyey nabadan iyo Quruxdan aynu ku naaloonayno maanta waa Illaahaygii ina abuurtay iyo dadaalka dadkeena oo dhowray welibana dhaqangeliyey Sharcigii aynu u qoranay inaynu ku kala dambayno waxna ku wada lahaano.

Hadaba sidaan ka warqabno Wadankani waxuu ku heshiiyey in la qaato qaabka dowladnimo ee Madaxweyne iyo ku xigeen; shaki kuma jiro inaynu diidnay qaabka Wasiirka Wasiirada. Sida hadaba ku cad hadalkan Madaxweyne Ahmed Siilaanyo ee halkan ku lifaaqan waxuu si cad u qiray in Wasiir Xirsi yahay Wasiirka Wasiirada (Prime minister). Waxaan qabaa in ay arintani tahay Sharci Jebin u baahan in Madaxweynaha wax laga weydiiyo.

http://youtu.be/qYeQxrR0TeE

Mida kale ilaa intii dhawaaqani ka soo baxay madaxweynaha Afkiisa lama hayo meel uu kaga jawaabay oo uu ku beenaynayo xilkan uu magacaabay, balse waxaynu aragnay shakhsiyaad kale oo isku dayaya inay madaxweynaha ku difaacaan sharcigan uu jebiyey (Waar miyaynu is Huursanaa).

Bal u fiirsada:
1) Wasiirka wasiiradu waa ninka ugu awooda badan xukuumadan Siilaanyo, shaki kagama jiro Shacabka.
2) Goobta uu warbixinta ka dhiibayey waxaa fadhiyey Wasiiradeenii oo dhan oo ragii hawshan lahaayi ka mid ahaayeen (Wasiirada Gudaha/Qorsheynta).
3) Madaxweynuhu si cad buu u yidhi arintan waxaa sharaxay Wasiirka Wasiirada (Xirsi).
4) Awoodii Madaxweyne-ku-xigeenka oo meesha ka baxday oo aynu ka warhayno.

Hadaba, Anigoo dhowraya Sharciga Wadanka u yaal waxaan ugu baaqayaa Golaha Sharci dejinta (Baarlamaanka) inay arintan Madaxweynaha wax ka weydiiyaan; Sidoo kale waxaan u soo jeedinayaa Madaxda Xukuumada iyo Dadka Shacabka ah ee isku deyaya inay Madaxweynaha ku difaacaan inuu sharciga ku tunto inay DANTOODA DAMBAYSIIYAAN OO DANTA WADDANKA SOO HORMARIYAAN.
Hadii kale arinati waxay inoo horseedi doontaa in Sharcigii aynu dhiganay meesha ka baxo nin-walbana siduu doono u talaabsado.


Afhayeenka Qaarada Yurub ee Xisbiga Waddani
Qasim A Saleebaan
kasslmn@aol.com