Nabadda iyo Horumarku Deyn Naguma aha, ! (Qayb. 2-aad)
Posted by abdi on September 12 2014 09:50:43

Qaybtii 1-aad ee Maqaalkan waxaynu kaga hadalnay in SOOMAALIYA  ay muddo ka badan 23 sano Beesha Caalamka iyo UN-taba.


Extended News

Qaybtii 1-aad ee Maqaalkan waxaynu kaga hadalnay in SOOMAALIYA  ay muddo ka badan 23 sano Beesha Caalamka iyo UN-taba u ahayd naas-irmaan oo aan gudhin oo ku darara macaluusha, dhiigga iyo dhagarta ragaadisay shacbiga masaankiinta ah. Waxaynu kaga hadalnay in Beesha Caalamka iyo UN-ta halka loo diray inay wax ka qabtaan oo ay ‘NABAD’ ka dhaliyaan ay tahay SOOMAALIYA balse aanay ahayn JAM. SOMALILAND. Waxaynu kaga hadalnay ‘Habka Gumaysiga Cusub ee Dhaqan-Dhaqaale’ ee loogu qorsheeyey Waddamada soo korayaa inay noqdaan midiidin, maati iyo ma-maarmayaal mar walba gacanta lagu hayo iyo sida waddamada Dunida 3-aad loogu tala galay in la dhaxalsiiyo oo ay ragaadiyaan SADDEX ARRIMOOD: 1. Caqli Gudhan; 2. Dhaqan Goblan ah; 3. Ilbaxnimo Wahsatay. Waxa kale oo aynu Qaybtii 1-aad ee Maqaalkan ku soo sheegnay in Beesha Caalamku ay JAM. SOMALILAND kula jirto dagaal cad oo ay u muuqato in la ina gu leeyahay:

 

  1. “Yaa idin yidhi kelidiin nabad, xasilooni iyo degenaansho aanan annagu keenin samaysta?
  2. “Yaa idin yidhi kelidiin samaysta Dawladnimo iyo Dimuqraadiyad aanan annagu keenin?
  3. Yaa idin yidhi dhaqaale ahaan iyo horumar ahaanba idinku isku tashada oo annaga naga maarma?

 

 

Qaybta 2-aad:

 

  1. 1.   Qaran Guulaystay dib looguma celin karo Qaran Guul-darraystay!!

 

JSL waxay muddo ka badan 23 sano waddamada deriska ah iyo beesha kale ee caalamkaba kula noolayd nabadgelyo, degenaansho iyo xasilooni. JSL weligeed cid kumay duulin,  hal tallaabana kumay durkin xuduudo uu Dal dariskeeda ahi leeyahay. JAM. SOMALILAND xaq bay u leedahay inay Nabadgelyadeeda iyo Xuduudeheedaba sugto, mana aha arrin ay u daba fadhiisanayso Beesha Caalamka iyo UN-ta midkoodna. Markaynu u fiirsano ARRINTA SAAX-DHEER iyo TALEEX iyo hab-dhaqanka Beesha Caalamka iyo Dhawaaqa ka soo yeedhaya waa mid xad-gudub, deel-qaaf iyo maangadba ku aha Madaxbannaanida iyo Gooni-isu-taagga JAM. SOMALILAND.

 

Jam. Somaliland waa Qaran Guulaystay oo xil-kas ah, si mug lehna uga soo baxay xilkii iyo masuuliyaddii ka saarnaa ummaddiisa. Waa qaran Beesha Caalamka ka furtay hawl, xil iyo waajibaad ay iyagu lahaayeen isla markaana u bed-baadiyey wixii kharash, muruq iyo maalba kaga bixi lahaa nabadayntiisa, xasiloonidiisa iyo dib-u-dhiskiisaba. Maadaama ay ummadda Jam. Somaliland  iyagu isku tashadeen oo waxaasoo dhan ay kelidood dusha u riteen, halkii ay Beesha Caalamku Ummadda Xalaasha ah ee Somaliland ku abaalmarin lahaayeen Aqoonsi, Dib-u-dhis iyo Maalgashiba, waxay ku hayaan fara-gelin qaawan iyo dibin-daabyo joogto ah. Waxay Gaadheen heer ay yidhaahdaan dalkiinna kama wada talin kartaana ka soo baxa Goobaha ay Ciidamada Qaranku kala wareegeen Cadowgii isku urursanayey (Taleex iyo Saax-dheer).

 

Haddaba, ma laga yaabaa in ujeedada ugu weyn ee ka dambaysa laba wajiilaynta Beesha Caalamka & UN-tu ay tahay inay doonayaan inay  Jam. Somaliland  ka dhigaan Qaran Guul-darraystay oo dhagar qorshaysan iyo dhibaato aan dhammaad lahaynba ay ka bilaabmaan? Dabadeedna JSL sida Soomaaliya oo kale ay noqoto NAAS-DIHIN oo ku DARARA dhibta, dhiigga iyo dhagarta laga galayo Shacbiga. Dabadeedna ay u soo cugtaan doobigoodii weynaa oo ay ka buuxsadaan dhiigga, macaluusha iyo dhagarta ay iyagu horseedka ka yihiin. Laakiin, wax kasta oo ay ujeedooyinka iyo ajendaha Beesha Caalamka iyo UN-tu yihiinba, ma aha kuwo Shacabka iyo Dawladda Somaliland ka leexin kara xaqa Gooni-isutaag ee ay leeyihiin iyo masuuliyadda ka saaran suggidda ammaanka dalkooda.

 

2.     Xeerarka u Qarsoon Quwadaha Caalamka!

 

Markaad u fiirsato hab-dhaqanka iyo laba-wajiilaynta ay beesha caalamku kula dhaqmayaan Jam. Somaliland, mar-mar waxaabad is odhanaysaa MALAHA Jam. Somaliland waxay si aan ku talo-gal ahayn ugu xad gudubtay Shuruuc iyo Xeerar Qarsoon oo ay dhigteen Quwadaha Talada Dunida loo daba-fadhiisto kuwaasoo nuxurkiisu ku soo ururayo arrimahan soo socda:

 

A.  Nabadda iyo Xasiloonida:

Nabadda, xasiloonida iyo degenaansho kasta oo ay la yimaaddaan ummad iyagu kelidood isku tashaday waa-bar-kuma-taal iyo biyo col dhaanshay, mar haddii aan dadkaaga la dhex keenin Ciidamo Shisheeye oo magacyo badan wata kuwaasoo iyaga kala ilaaliya nabadna u keena?!! Waa in iyaga (Ciidamada Shisheeye)  loo daba fadhiisto maamulka nabadda iyo sugidda ammaanka dalka heer kasta oo ay tahayba. Dhinaca kale, madaxda Qaranka oo uu Madaxweynuhu ugu horreeyo, si ammaankooda loo sugo oo looga ilaaliyo ummadda ay xukumaan, waa in ay ilaaliyaan Ciidamo midabo iyo magacyo kala duwan wata.

Waa in lagu qaado Kaare iyo Gawaadhi Gaashaaman oo qaaliya, illayn ammaankoodaa la sugayaa oo dadkoodaa laga ilaalinayaaye!! Dabcan, Ciidamadaa midabbada iyo magacyada kala duwan wata waxa ku baxaya kharash iyo adduun xad-dhaaf ah illayn nabad bay kuu wadaane; waxaas oo dhammina adigey dummaddaada yihiin oo isku qaba. Waxa u rahman Bad iyo Berriba wixii Khayraad dalkaaga ku jira! Xataa dadkaa la rahmayaa hadii loo baahdo!

 

B.  Dawladnimada iyo Dimuqraadiyadda:

Dawladnimada iyo dimuqraadiyadda aad la timaado waa-bar-kuma-taal iyo biyo col dhaanshay, mar haddii dawladnimada iyo dimuqraadiyadda aad qaadatay aanay  u adeegayn danaha dhaqan, kuwa dhaqaale iyo kuwa bulsho ee dalalka reer galbeedka ah. Dawladnimadaada iyo dimuqraadiyaddaadu waa-bar-kuma-taal, mar haddii aanay caado kuu noqon waxaad markii hore ceebta u taqaannay; oo aanad daaqadda ka tuurin wixii aad lahaan jirtay! Ha noqoto dhaqan, caado  iyo kala-dambayn bulshaba.

C. Kobaca Dhaqaalaha iyo Hurumarka Bulshada:

Koboca dhaqaale iyo horumarka bulsho ee ay ku tallaabsadaan ummad iyagu isku tashaday, waa-bar-kuma-taal iyo biyo col dhaanshay, kol haddii aanay Haya’daha Faafiya Faqriga iyo Baahida Dunida (World bank iyo IMF) ayna lug ku lahayn, oo aanay kula maamulin, kula qorshaynin oo kuu qiyaasin.

 

Ummadda Jam. Somaliland  arrimahan kor ku xusan oo dhan may yeelin ee iyagoo eex iyo xaq-darro weyn ka tirsanaya beesha caalamka oo ayna cidina ka caawin dib-u-dhiska dalkoodii iyo dhaqaalahoodii la bur-buriyey; waxay go’aansadeen inayna gacmaha hoorsan oo ayna cidna isku hallayn. Iyagaa la yimid walaalaynta iyo is-weheshiga shicibkeeda, nabad-iyo-xasilooni- waarta. Waxay u dhaqaaqeen dib-u-dhiska dalka iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha, dhiirri-gelinta suuqa xorta ah. Waxay is-waafajiyeen hannaanka dimuqraadiyadda iyo hab-nololeedka bulshad JSL. Muddo ka badan 23 sano ah ayay Ummadda  Jam. Somaliland waxay ku sifoobeen inay yihiin mucjisada Geeska Afrika.

 

3.     Maxaa la gudboon Shacbiga iyo Xukuumadda JAM. SOMALILAND??

 

Guushu cadow badan bay leedahay cid walbana kuma faraxdo. Waa xaqiiqo aynu wada ognahay in jiritaanka iyo gooni-isu-taagga Jam. Somaliland  aanay in badani raalli ka ahayn, isla markaana ay hadh iyo hebeenba xusul-duub ugu jiraan sidii ay guluf iyo colaad uga ridi lahaayeen. Weerarka afka iyo ka addinka ah ee Ummaddeena lagu hayaa waa mid mar walba sii socon doona siina xoogaysan doona illaa inta aynu ka gaadhayno ujeeddadeenna.

 

Haddaba, markay Dalkeenna la soo dersaan weerarro Diblomaasiyadeed iyo fara-gelin qaawan oo lagu fara-galinayo arrimaha gudaha JSL, kuwaasoo ay horseed ka yihiin Xukuumadda Guul-darraysatay ee Soomaaliya, Beesha Caalamka iyo UN-tu, maxaa  la gudboon Shacbiga iyo Xukuumaddaba?

 

a) Xukuumadda:

Xukuumadda waxaa saaran waajib Distoori ah oo ah inay af iyo addinba difaacdo ciddii soo faragalisa Xornimada iyo gooni-isu-taagga Qaranka, isla markaana si toos ah iyo si dadbanba uga jawaabto war iyo hadal kasta oo u muuqda in lagu fara-galinayo Xornimada iyo Xasiloonida Qaranka JSL iyo Xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta JSL. Gaar ahaan, Haya’adaha u qaabilsan Siyaasadda Arrimaha Dibedda iyo Xidhiidhka beesha caalamka waxaa looga baahan yahay inay muujiyaan fir-fircooni iyo feejignaan dheeraad ah oo ay si toos ah ugu hawlgelayaan fara-gelinta iyo weerarka diblomaasiyadeed ee joogtada ah ee laga hayo Dalka iyo Daka JSL, oo ay warka ugu habboon iyo waqtiga ugu habboonba siiyaan ciddii la rabo in loo jawaabo

 

Gaar ahaan, wakiillada Jam. Somaliland u fadhiya UK , Kenya, USA, iyo EU-da (London, Nairobi, Washington iyo Brussels) waxaa looga baahan yahay inay muujiyaan fir-fircooni iyo feejignaan dheeraad ah. Waa inay ka faa’iidaystaan Aqoonta iyo Waayo-aragnimada durugsan ee ku duugan Ummadda reer Somaliland ee ku nool dalalkaa ay wakiilka ka yihiin. Marka ay dhacdo sida hadda dhacday oo kale oo ay Safiirrada Maraykanka, EU-da iyo UN-ta Soomaaliya u qaabilsani ay qoraal wadajir ah oo ka dhan ah Jam. Somaliland soo saaraan, waa in Wakiillada waddamadaa aynu ku leenahay ay sida ugu adag ee ugu habboon uga jawaabaan, isla markaa ay Qurba-Joogga abaabulaan una fududeeyaan sidii ay qoraallo iyo cabashooyinba ugu gudbin lahaayeen ciddii ay khusayso.

 

b) Shacbiga JSL (gudaha iyi dibedda):

Shacbiga Karaamada leh ee JSL, iyaga la’aantood marnaba suurto-gal muu noqdeen Qarankaa Guulaystay ee maanta innoo dhisani. Waa iyaga kuwa suurto galiyey Nabadda, Xasiloonida, Wada-noolaanshaha iyo Horumarkaba. Sidoo kale; ilaalinta iyodifaaca dalka af iyo addinaba, waxa ka saaran masuuliyad iyo waajib aan iyaga cidi u sheegaynin. Markay Dalkeenna la soo dersaan weerarro Diblomaasiyadeed iyo fara-gelin qaawan oo lagu fara-galinayo arrimaha gudaha JSL, waxaa lagama maarmaan ah inaynu si adag uga jawaabno oo aynu muujinno dareenka-waddannimo iyo dal-jacaylka inna mideeya. Waa in boqollaal kun oo waraaqood ama e-mail ama telefoon oo laga soo diray daafaha dunida ay ku kulmaan cid kasta oo isku dayda inay Qarannimadeenna soo fara-heliso.   

 

Guntii iyo gaba-gabadii, Jam. Somaliland waa Qaran Guulaystay, Beesha Caalamka iyo UN-tu ha ogaadaan in Nabadda, Dawladnimada, Horumarka iyo Dimuqraadiyadda midkoodna aanay Ummadda JSL Deyn ku ahayn, Dalkooduna aanu u Rahmanayn dano Shisheeye!!

 

Ummadda Jam. Somaliland waxay si cad u yidhaahdeen:

NN

MAYA Habka Gumaysiga Cusub ee Dhaqan-Dhaqaale!

MAYA Caqli Gudhan, Dhaqan Goblan ah iyo Ilbaxnimo Wahsatay!! Midkoodna dalkayaga looguma yimaaddo!

 

Jam. Somaliland HA NOOLAATO;

 

Allaa Mahad iyo Mudnaanba leh, 

 

W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr| ||Birmingham, United Kingdom||

 

Dhammaad