AMISOM oo Shaacisay in ay burburisay xeryo ay lahayd Xarakada Al-shabaab.
Posted by abdi on September 13 2014 23:25:11

Amison ayaa sheegtay inay weerartay saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanka Birta-dheer.


Extended News

AMISOM ayaa sheegtay inay weerartay saldhigyo ay Al-shabaab ku lahayd degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose iyo deegaanka Birta-dheer ee duleedka Kismaayo. Warsaxaafadeed ay soo saartay AMISOM ayaa sheegtay in ciidanka AMISOM ee ku sugan Jubbooyinka ay howlgalka fuliyeen, ayna beegsadeen laba xero oo ay deegaannadaas ku lahaayeen. “Xeryaha la weeraray waa kuwii ay isugu yimaadeen saraakiisha iyo xoogag Al-shabaab ka tirsan, kaddib markii ay kasoo carareen degmada Baraawe ee gobolka Shabeelada hoose oo AMISOM ay ku wajahan tahay,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Warka AMISOM ayaa lagu sheegay intii uu howlgalku socday in lagu dilay xubno badan oo Al-shabaab k tirsan oo ay ku jiraan dagaalyahanno ajnabi ah, tiro kelana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray; sidoo kalena lagu burburiyay labadii xero oo ahaa meel ay isku urursanayeen. “Howlgalkan oo dhcay shalay wuxuu qayb ka yahay howlgallada ay AMISOM kawaddo soomaaliya, waxaana ka qaybgalay ciidamada AMISOM ee gobolka Jubbada Hoose ku sugan iyo kuwa Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warbixinta. Ugu dambeyn, AMISOM ayaa warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay inay tani qayb ka tahay dadaallada ay wadaan ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ee ku aaddan sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Soomaaliya. Ma jiro hadal kasoo baxay Al-shabaab oo arrintan ku saabsan, iyadoo sidoo kalena aysan ka hadlin dowladda Somalia iyo maamulka KMG ah ee Jubba oo ka arrimiya deegaannada Jubbooyinka ee Koonfurta Soomaaliya.

Hargeysa Online.