Tahriibayaal Afrikaan ah oo ku naf-waayay doon ku dagtay badda dalka Liibiya .
Posted by abdi on September 15 2014 16:59:55

Doonni sidday 250 tahriibayaal Afrikaan ah ayaa la sheegay in ay ku dagtay xeebaha Liibiya,taasi oo ku wajahnayd Talyaanniga.


Extended News

Doonni sidday 250 tahriibayaal Afrikaan ah ayaa la sheegay in ay ku dagtay xeebaha Liibiya,taasi oo ku wajahnayd Talyaanniga, iyadoo in badan oo kamid ah dadkii doonida saarnaa ay badda ku nafwaayeen.

Waxaa la bad-baadiyay 26-ka mid ah tahriibayaashan ,iyadoo doonidan ay ku dagtay halka lagu magacaabo Tajoura oo dhinaca Bari ka xigta caasimadda Tiropoli  sidaa waxaa sheegay Ayub Qasim oo ah afhayeenka ciidamada badda dalkaas.

“Dad badan ayaa ku dhintay dhac-dadan  oo Tahriibayaasha kamid ahaa,“ ayuu yiri masuulkan oo tilmaamay in ay socdaan dadaallo lagu bad-baadinayo dad la sheegay in ay ka bad-badeen shilkan oo ahaa  kii ugu danbeeyay ee  ka dhaca xeebahan Libiya.

Sanadkan gudihiisa waxaa xeebaha Talyaaniga iska dhiibay Tahriibayaal dhan 100,000  ruux ,waana tiro aad ugu badan inta sanadki hore  iska dhiibtay wadamada kale ee Yurub si ay nolol ka badalan toodi hore uga helaan.

Lama caddeyn wadamada ay sida rasmiga ah ay uga soo jeedaan tahriibayaashan ,balse warar hor dhac ah ayaa tilmaamaya in ay u badan-yihiin Soomaali iyo Ererteriyaan ka soo cararay dhibaatooyin ka jia dalalkoodi.

Boqol ruux oo tahriibayaal ah ayaa bishii la soo dhaafay doonni sidday ay ku dagtay xeebaha Liibiya ,iyadoo kooxaha  jirka dadka  bini’aadanka ka ganacsada ay aad ugu soo badanayeen dalkaas tan iyo markii ay dhacday dowladdii Qadafi sanado ka hor.

HargeysaOnline.Net