Xukuumada Siilaanyo Oo Lumisay Taageerada Gobolada Galbeedka Somaliland.
Posted by ifraax on September 16 2014 16:38:23

Tan iyo intii hogaanka dhaqanka beelaha gobolada Galbeedka Somaliland  ay madaxwaynaha Somaliland hordhigeen garnaqsi iyo tabashada.


Extended News

Borama(Hargeysa Online)Tan iyo intii hogaanka dhaqanka beelaha gobolada Galbeedka Somaliland  ay madaxwaynaha Somaliland hordhigeen garnaqsi iyo tabashada ku aadanayd saami qaybsiga dalka la wada leeyahay ee Somaliland ayaa waxaa soo baxaya ifafaalo ku aadan in arintaas ay ka biyo diideen qaybo ka mid ah beesha Dhexe gaar ahaan dadka haatan gacanta talada ku haya. Marka aan taas ka nimaadno waxaa sidoo kale arrimahaas saamiqaybsiga iyo sidii xukuumada Axmed Siilaanyo tabashadaas ay hoos u dhigtay ka hadlay mid ka mid ah siyaasiyiiinta ka soo jeeda Gobolada Galbeedka Somaliland ee ku jira Xisbiga mucaaradka WADDANI Ahna gudoomiye ku xigeenka WADDANI Md.Axmed Mu’min Seed isaga oo sheegay in tabashadii Odayaasha galbeedka Somaliland aysan dhagaysan waxna ka so qaadin ,iyada oo uu sheegay in guddi dhalanhabaabin oo uu iskaga kaxaynayay u saaray axmed Siilaanyo tabashadaas,taas oo la odhan karo waxa ay xukuumada Axmed Siilaanyo ku noqotay dhinbiil aad u kulul.
Intaas ka dib shirkii jaraa’id ee ay qabteen odayaasha dhaqanku markii ay ku soo laabteen Boorama kuna cadeeyeen in wax guddi ah oo wasiiro ah oo ay wax ka sugayaan aysan jirin ayna Axmed Siilaanyo oo qudha ay wax ka sugayaan ayaa go’aankaas iyo hadalkaas ka soo yeedhay odayaashu mar kale ku noqotay Xukuumada Axmed Siilaanyo dhinbiil kale oo si lama filaan ah ugu dhacday.
Marka intaas oo dhan laga yimaado ayaa gudoomiye ku xigeenka Xisbiga WADDANI Waxa uu si adag uga hadlay hadal sharci jabin ah oo Madaxwayne Axmed Siilaanyo ku sheegay inanka uu adeerka u yahay oo horey awooda badan loo siiyay uu hadana ugu daray in uu yahay Wasiirka Wasiirada Somaliland taas oo uu gudoomiyuhu ku sheegay in ay arintaasi tahay sharci daro baalmarsantahayna saamigii iyo wada lahaanshihii Qaranka Somaliland ,taas oo uu ku sheegay in dawladiiba isku badashay mid ay hogaankeeda ay gacanta u gashay rag ilma adeer ah.
Ka dib hadalkaas adag ee ka soo yeedhay gudoomiye ku xigeenka WADDANI Md.Seed ayaa waxaa ay xukuumada Axmed Siilaanyo isku dayday sidii ay jawaab adag uga bixin lahayd waxa ayna adeegsaday Wasiiro ka soo jeeda Gobolada Galbeedka Somaliland oo ay guulwadaynta Xukuumada Axmed Siilaanyo dhexmartay waxa ayna sheegeen in madaxwaynuhu ilduufay ayna ahayn mid la sii buunbuuniyo.
Dhanka kale intaas xukuumadu kumaysan joogsan waxaase jawaabo iska soo dabadhacayay ay ka soo baxeen qaar kale oo ka mid ah wasiirada iyo mas’uuliyiin kale  kuwaas oo gabi ahaan dadwaynaha Somaliland aysan dheg jalaq u dhigin jawaabahaas ka soo baxay maadaama hadalka ka soo yeedhay Madaxwaynaha uu ahaa mid duuban oo ay dadku markhaati ka ahaayen.
Ka dib markii Xukuumada Axmed Siilaanyo ay  u aragtay in jawaabahaas ay bixinayso ay shacabka Reer Somaliland dhag u jalaqsiinayn waxa ay ciyaartay siyaasad kale oo odhanaysa in gudoomiye ku xigeenka WADDANI Ku baaqay dagaal lala galo xukuumada Axmed Siilaanyo si dalka loo xoreeyo ,tanina waxa ay ilaa haatan la yaab ku noqotay dadka caafimaadka qaba iyo aragtida dheer halka uu gudoomiye ku xigeenka WADDANI uu hadalkaas ku yidhi,waxa ayna abaabushay dhuuniqaatayaal ku caana maalay guulwadaynta kolba xukuumada Taagan oo ay kow ka yihiin maamulka degmada iyo odayaasha dhaqanka degmada Gabiley iyo soo raacayaal kale kuwaas oo jawaabaha ka soo baxayay ay u eekaayeen waqtiyadii dagaaladii Sokeeye  ee laga soo gudbay .
Waxaas oo dhacdooyin ah ee dhacaya ayaa shacabka ka soo jeeda Gobolada Galbeedka Somaliland iyo bulshada inteeda Badan ee Somalilandta Caafimaadka qabta ay dusha kala socdeen iyaga oo yaab iyo amakaag u dhamaaday xukuumad hurinaysa dhiilo colaadeed iyo qabyaalad laga soo gudbay.
Intaas waxaa ka daran markii dhawaan boqorka Axmed Siilaanyo Ee Boqor buur madow ku sheegay odayaashii gobolada galbeedka Somaliland hortagay Axmed Siilaanyo kuwo aysan waxba ka maqnayn yihiiin  madaxdii goboladaas soo martay kuwo hunguri ah isaga oo is barbardhigaya siyaasiyiintii Beesha dhexe soo martay talada iyo hogaanka dalka.
Taasina waxa ay mar kale ka cadhaysiisay dhiigana ku kicisay dadwayne aad u badan oo dalka dibadiisa iyo gudihiisa jooga waxa ayna taageero lixaad leh siisay gudoomiye ku xigeenka WADDANI Md/Seed oo noqday siyaasiga qudha ee gobolada Galbeedka iyo Somalilandta Caafimaadka Qabtay ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa haatan loogu jecelyahay.
Dhanka kale dadka Siyaasada Somaliland Adorosa ayaa waxa ay sheegayaan in taageeradii xisbiga talada dalka haya ee gobolada Galbeedka Somaliland ay luntay arimaha haatan ka socda  saxaafada dawlada ee ay gacanta ku hayso aawadeed,taageero muglehna siisay Xisbiga WADDANI oo ay hogaanka u hayaan mas’uuliyiin  ay u arkaan dadka ku nooli goboladaasi kuwo sida saxda ah u socda oo ay ka go’antahay in dalkan la wada leeyahay dhinacwalba.
Hadaba shacabka ku nool guud ahaan gobolada Galbeedka Somaliland waxs ay ahaayeen maalmihii u danbeeyay kuwo taageersan gudoomiye Axmed Mu’min Seed oo ay u arkeen isaga iyo xisbigiisu kuwa ka damqaday cadaaladarada iyo cunsirinimada lagu hayo waxa sidoo kale ay aad uga xumaadeen arrimaha ka socda warbaahinta ay maamusho dawladu iyo dadka ay sida gaarka ah dhabarka uga taabanayeen kuwaas oo aad moodo inay yihiin hogaamiyo kooxeedyo hurinaya dhiilo colaadeed oo aan waqtigeeda la joogin 
Si kastaba ha ahaatee meelaha fadhikudirirka iyo suuqyada waawayn ee degmooyinka iyo tuulooyinka degaanada Galbeedka Somaliland si wayn looga hadalhayaa hadalada dhiilada colaadeed ee qabyaaladu ku dheehantahay ee ay xukuumada Axmed Siilaanyo la soo baxday tan iyo intii tabashadu ka soo baxday goboladan  intaas ay jirto Somaliland aan waxba laga qaban tanina waxa ay muujinaysaa ifafaalaha gabogabada xukuumadan Axmed Siilaanyo ee ay ku urureen Cunsiriyiin u badan beesha dhexe oo qudha banaankana la dhigay dadkii kale ee beelaha darifyada kula noolaa taas oo sababtay in daneeyayaashii Somaliland iyo Ictiraafkiiba shalow ka dhaco.


C/rashiid C/laahi Cumar Boorama-Somaliland