Madaxweyne siilaanyo oo sanadka 2015-ka dalka ka hirgalinaya cashuur dhaaf.
Posted by ifraax on September 16 2014 16:52:14

Madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa soo saaray siyaasadda miisaaniyadda 2015-ka.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) madaxweynaha somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa soo saaray siyaasadda miisaaniyadda 2015-ka, taasoo ay ka muuqato qorshe balaadhan oo cashuuraha lagaga dhaafayo waxyaabaha ay dadweynuhu u adeegsadaan nolosha iyo horumarka, halka dhinaca kale uu soo rogay waxyaabaha bulshada u keenaya dhibaatada in la saaro cashuuro dheeraad ah.

2. Si loo dhiirigeliyo ilaalinta deegaanka waa in cashuur dhaaf  loo sameeyo marka lasoo dejinayo Qalabka wax lagu karsado sida shooladaha Naqaska iyo shooladaha dubaaladaha iyadoo sanadkii 2014 hore cashuurta looga dhaafay Gaastii wax lagu karsanjiray.

18. Si loo yareeyo waxyaabaha aan loo baahnayn ee bulshada dhibta ku haya waa in cashuur dheeraad ah la saaro waxyaabaha waxyeelaya Caafimaadka iyo Deegaanka Sida Qaadka,Sigaarka iyo Bacaha IWM,isla markaana waa inaan lagu cabin sigaarka laguna cuni Karin qaad meelaha dadweynaha, xafiisyadda, iyo goobaha shaqada ee dawladda iyo sidoo kale waxa reeban in aan sigaar lagu cabin baabuurta dawladda.

21. Si loo dhiirigeliyo badeecadaha dalka gudihiisa laga soo saaro sida kalluunka,Beedka,Biyaha,sharaabka,saabuunta,furnitureka,maryaha dalka lagu farsameeyo,milixda iwm waa in  cashuur dheeraad ah la saaro badeecadaha soo dega oo la midka ah kuwa dalka laga soo saaro.

24. Waa in cashuurdhaaf loo sameeyo  markay soo degeyaan dhamaan cagafyada lagu dhiso wadooyinka nooc kasta oo ay yihiin oo laga dhaafo cashuurta soo dejinta kastamada.

27. Waa in cashuur dhaaf loo sameeyo Dhamaan Gaadiidka Ambalance yada caafimaadaka iyo dabdamisyada markay soo degeyaan hadii gaadiidkaas si kale loo isticmaalo oo laga dhalan rogo nooca shaqadooda Dib ayaa looga qaadayaa cashuurtii soo dejinta ee laga dhaafay.

 

Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.