Xisbiga Waddani oo Xukuumada ku eedeeyey Dilkii labad Sargaal.
Posted by abdi on September 20 2014 23:15:32

Xisbiga Mucaaradka ah ee wadanin oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada hargaysa,Ayaa waxa uu ka hadlay Dilkii Loo Gaystay Labada Sarkaal.


Extended News

Xisbiga Mucaaradka ah ee wadanin oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay Magaalada hargaysa,Ayaa waxa uu ka hadlay Dilkii Loo Gaystay Labada Sarkaal ee ka tirsan Ciidanka qaranka somaliland,Taas oo ay ku canaanteen Sida aanay Xukuumada Usoo Qaban Gacan Ku Dhiig lihii Dilay Labada Sarkaal.

Waxa uu Sheegay Xog-Hayaha Guud ee Xisbiga Wadani Maxamed Cabdilaahi Uur-Cade in ay gudi Madax Banaan u saari Doonaan,kuwaas oo baadhaya Sidii Dilkaas loo baadhi lahaa.

Waxa uu Sheegay in ay Xukuumadu Danaynayso Mudaharaadka,Waxaanan Uu ku canaantay Siday Ay Xukuumadu Xabada nool Udhacday Shacabkii Mudaharaadka Ku Muujinayay Sida ay ug xun yihiin Dilkii Ka dhacay Deegaanka Qori-Lugud.

“Waxaaaad iyo aad layaab u leh Saraakiil sarsare oo Ciidanka Qaranka ka tirsan oo aanu Cadaw dilin oo aan goob dagaal ku dhiman oo Xeradoodii lagu dilay oo aanay Xukumaddu caddayn sababtii loo dilay iyo wixii ay ku dhinteen, xataa Aas qaran aan loo samayn.Waalidkood Xataa looma tacsiyadayn aad iyo aadna waanu uga xunahay Masuuliyad daradaa Xukumaddu samaysay” ayuu Xoghayaha Guud ee Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcade ku yidhi Shir Jaraa’id oo uu Xarunta Xisbiga Ku Qabtay.

Xisbiga Waddani waxa uu soo jeediyay in Arintaasi loo saaro guddi Madax banaan oo Heer qaran ah si loogu baadho si Madaxbanaan sababaha dilka Askarta Keenay “Haddaanu nahay Xisbiga Waddani waxaanu soo jeedinaynaa in arintaas loo saaro guddi Madax banaan oo heer qaran ah oo soo baadha waxa Saraakiishaasi ku dhinteen, mar haddii Xukumaddii talada haysay awoodi weyday” ayuu yidh Maxamed Uurcadde

Xoghayaha oo sii hadlaya waxa uu yidhi “Waxa kale oo Xisbiga Waddani soo jeedinayaa in si degdeg ah loo soo qabto cidii falkaasi ka dambeysay oo Caddaaladda la horkeeno”

Xoghaye Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde waxa uu Xukumadda ku eedeeyay inay iyadu danaynayso Dagaalka, isagoo ku dhaliilay xukumadda talaabadii dad tiradoodu gaadhayso 13 qof ku dhaawacmay ugu yaraana hal qof ku geeriyooday ka dib markii RRU-du rasaas u adeegsatay dad mudaharaadayay.waxa uu soo jeediyay Shacabka Gabiley inay amaankooda ilaashadaan waxanu yidhi “Waxaanu dadka reer Gabiley u soo jeedinaynaa inay nabad galyadooda ilaashadaan. Xukumaddani iyadaa Dagaalka rabta, iyadaa dhibaatada rabta ee ka digtoonaada inaad siisaan fursad ay Caruurtiina ku layso.


Hargeysa Online.